Caqabada hakisay "kacdoonka shacabka" ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Is-faham laga gaaro qaddiyaddan ayaa noqon doonta meesha ay ka guntami doonto guusha ama guuldaradda howlgalka cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa u muuqda mid gaabis ku yimid ku dhawaad ​​sanad kadib markii Macawisleydda gobolka Hiiraan ay hubka u qaadeen la dirirka kooxda.

Arrintaan waxaa wehliso hakad ku yimid howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab kaasoo ay iska-kaashanayeen dadka degaanka, ciidamadda Somaaliya iyo saaxiibadda caalamiga ah.

Joojintan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa xilli xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay waddo weeraro qorsheysan oo ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Su’aalo ayaa la iska weydiinayaa sababta keentay hakadka dagaalka iyo istaraatiijiyadda cusub ee ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u adeegsaneyso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha abaabulka deegaanka ee sanadkii lasoo dhaafay waa Cali Jeyte Cismaan oo ku magacaaban Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Jeyte oo astaan ​​u noqday kacdoonka bulshadda ayaa u sheegay barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA-da in dadaalada bulshada ku saleysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu wajahayo caqabado.

"Guulaha illaa hadda laga gaarey gulufka Al-Shabaab waxaa keenay kacdoon shacab balse waxaad moodaa in hadda qaacidaas laga leexdey; sidda kaliya lagu guuleysan karo waa in la helo kacdoon bulsho," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Jeyte ayaa waxa uu ka digaya in ololaha militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan guuleysan doonin "haddii aan shacabka la dareesiin lahaanshiyaha guusha imaan doonta".

Saraakiisha difaaca Soomaaliya oo uu soo xigtey Barnaamijka Galka Baarista ayaa ku adkeysanaya in dagaalyahanada bulshada deegaanka ay door ku leeyihiin istiraatiijiyadda cusub ee la dejinayo.

Sikastaba ha ahaatee, khuburadda ayaa aaminsan in is-faham laga gaaro qaddiyaddan ay noqon doonto meesha ay ka guntami doonto guusha ama guuldaradda howlgalka cusub ee xukuumada Muqdisho sheegtey in ay qaadeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM