Caqabado soo wajahay fulinta heshiiskii beenaadkii Abiy iyo Biixi

Image
Cadaadis, kala shaki iyo shuruudo horleh ayaa kamid ah dildilaaca soo food-saarey is-afgaradkan xasarada kiciyay.

HARGEYSA, Somaliland – Dildilaac ayaa lagu waramay inuu soo wajahay fulinta heshiis-beenaadkii ay 1-dii Janaayo, 2024 ay magaaalada Addis Ababa ku gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Heshiis-beenaadka uu Biixi la galay Abiy waxa uu xeerinayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah kireysatay dhul ay ka hirgelineyso deked iyo saldhig ciidan badeed ayna Somaliland ugu badalayso aqoonsi iyo saami ay ku yeelato shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Caqabadaha lasoo darsay is-afgaradkan ayaa, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online, waxa ay salka ku hayaan cadaadis iyo tuhuno ay saaxiibada Abiy iyo Muuse ka muujiyeen hadalo ay hogaamiyeyaashan hal hore ugu sheegeen xubnaha ku wareegsan xukunkooda.

Cadaadiska soo wajahay Biixi

"Cadaadiska soo fuulay Biixi waxa uu uga yimid ganacsatada Somaliland kuwaas oo sheegay in dekada Berbera ay xirmeyso haddii qorshaha is-fahamka lagu sii socdo taasna aysan u wanagasaneyn degaankooda,” ayuu qof xog-ogaal ah u sheegay warsidaha GO.

Sidda uu caddeynayo illo wareedkan, tani ayaa ku riixdey Biixi inuu kula laabto Abiy shuruud ah in marka hore ay Itoobiya aqoonsato maamulkiisa kahor inta aanan si dhab ah loo guda gelin fulinta heshiiska ayna taas u sahleyso soo afjarida cadaadiska soo fuulay.

"Hase ahaatee, Abiy oo fahamsan culeyska ay leedahay in dowladiisa qaadato go’aan noocaas ah ayaa ka wareegaya inuu ku dhaco go’aankaas oo haddii uu qaato soo afjari karta xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa," ayay raacieeyn illo wareedyadda la hadlay Garowe Online.

Diidmadda caalamka iyo Jabuuti

Somaliland ayaa 1991-dii waxa ay ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, wali aduunka waxa uu u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Heshiis-beenaadka ay kala saxiixdeen Abiy iyo Biixi ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah. Tani waxa ay dharbaaxo ku noqotay Addis Ababa. Tani waxa ay muujisay in aduunka uusan waqti-xaadirkan diyaar u ahayn qalalaase iyo xasilooni darro ka dilaacda gobolka Geeska Afrika.

"Iyadda oo midnimadaas uu caalamka u muujiyay ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya, haddana waxaa intaas dheer diidmadda Jabuuti ee ku wajahan in aan la dhaqan-gelin heshiiskan maadaama ay waayi doonto ganacsiga kala dhaxeeya Itoobiya haddii si toos ah loo fuliyo,” ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Kala shakiga Abiy iyo saraakiishiisa

Jabuuti ayaa haatan ah dalka kaliya ee ay Itoobiya kasoo degsato badeecadaha. Xukuumadda madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay halkaas ka faa’iidaa dhaqaale aad u badan kaas oo u weecan kara dhanka Somaliland haddii uu dhaqan-galo is-afgaradka.

Dhanka kale, illo dhanka sirdoonka ah ayaa waxa ay caddeynayaan in Abiy uu ku fashilmay inuu taliyeyaashiisa ciidamadda ku qanciyo in ay awood milatari ku dhaqan-geliyaan heshiiskan maadaama ay soo shaac-baxdey inuu ka been-sheegya ogolaanshiyaha Soomaaliya.

"Abiy waxauu marka hore ku wargeliyey taliyeyaasha ciidamadda Itoobiya in Soomaaliya ay raali ka tahay is-fahamkaas. Balse markii dowladda federaalka ay si adag uga hor-timid ayay dib uga dageen taas oo abuurtey kala shaki xooggan,” ayay tibaaxeen illaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM