Colaada Laascaaood oo ku saddex bil jirsatay cadaadis iyo duqeyn

Image
Duqeynta ayaa ku socota xarunta gobolka Sool. Cadaadiska waxaa wajahaya Somaliland.

NEW YORK, USA - Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku boorinaysaa dhinacyada ay khusayso inay xaaladda dejiyaan, ayna u hoggaansamaan xabbad-joojintii lagu heshiiyay, ayna dib u billaabaan wada-hadallada lagu raadinayo nabadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu yeertey Somaliland inay dib ula laabato ciidamadeeda ammaanka, waxayna ugu baaqday Hargeysa in ay joojiso "falalka guracan ee ka dhanka ah dadka degaanka Laascaanood.

Arrintan ayaa timid ka dib markii dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in ay jiraan in ka badan 1,500 oo dhaawac ah tan iyo 6-dii February, taasoo ka dhalatay weeraradii ay Somaliland ku qaaday Laascaanood, oo ah xudunta dhaqdhaqaaqa dib u midaynta Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André, ayaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku boorriyay inuu "kala fogeeyo" ciidamada is-horfadhiya, uuna ku dhawaaqo khariidadda doorashada.

Dalabkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Somaliland ay ku dhawaaqday weerarro ka dhan ah ciidamada SSC ee Khaatumo ee ku sugan magaalada Laascaanood, kaasoo ku soo beegmay xilli uu Madaxweyne Biixi booqasho ku tagey xarumaha ciidamada ee magaalada Hargeysa.

Waxaa socday dadaalo xabad joojin ah, iyadoo odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood ay aqbaleen codsi xabad joojin ah oo ku aadan in xal nabadeed laga gaaro colaada saddex bilood jirsatay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada Somaliland oo hore loo qorsheeyay inay qabsoonto bisha November 2022-ka.

Waxa ay ka codsadeen maamulka Somaliland in ay sameeyaan waqti cad oo ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo dhameystiraan geedi-socodka doorashada madaxtooyadda.

"Washington waxay diyaar u tahay inay xaddiddo bixinta fiisaha hadda ama hore ee Soomaaliya mas'uuliyiinta ama shakhsiyaadka mas'uulka ka ah ama ka qayb-qaata carqaladaynta geeddi-socodka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, sida waafaqsan Qaybta 212 (a) (3) (C) ee Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha," ayay sheegeen illo wargal ah.

Somaliland oo sheegata madax-banaani aan aqoonsi caalami ah ka helin, ayaa waxa soo food saartay xaalad cakiran ka gadaal markii Laascaanood ay ka dilaaceen olole midnimada Soomaalyeed ah.

Dibadbaxyada lagu dalbanayo in dib loo midoobo ayaa magaalada Laascaanood ka bilowday bishii December ee sanadkii 2022-kii, waxaana bishii February 2023 lagu dhawaaqay in joogitaanka maamulka Somaliland ay tahay sharci darro.

Somaliland ayaa tan iyo xilligaas duqeymo ka waday xarunta gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan isbitaallada. In ka badan 200 ruux oo u badan dad shacab ah ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen iska-hor-imaadyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM