Cumar Cabdirashid Oo Isku Sharaxay Madaxweyne Xilli Doorasho Aysan Jirin
FAALADA WARKA | Soomaaliya maanta waxaa ka taagan muran siyaasadeed oo salka ku haya nooca doorasho ee dalka loo geli doono, dastuurka wax laga beddelay iyo heshiis la’aanta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada.
Iyadoo xaaladdaasi taagan tahay ayuu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Hase yeeshee, su’aasha ugu horreysa ee shacabka Soomaaliyeed isweydiinayaan waa mid sahlan:
Doorasho noocee ah ayuu musharax u yahay Cumar Cabdirashid?
Ilaa hadda lama isku waafaqin hannaanka doorashada, mana jiro jadwal siyaasadeed oo lagu wada heshiiyey.
Cumar Cabdirashiid waa siyaasi muddo ka soo dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya. Waxa uu laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii doorashadii madaxtinimada ee 2017, inkasta oo ugu dambeyn uu ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Intii uu siyaasadda ku jiray waxa uu si weyn ugu soo shaqeeyey dhinacyada diblomaasiyadda iyo hay’adaha caalamiga ah, arrintaas oo taageerayaashiisu ku tilmaamaan inuu leeyahay waayo-aragnimo.
Dhanka kale, siyaasaddiisa gudaha Puntland ayaa muddooyinkii dambe noqotay mid dood badan dhalisay.
Dad badan ayaa qaba in inkasta oo uu ka soo jeedo Puntland, haddana aanu si muuqata uga dhex muuqan horumarinta arrimaha siyaasadda iyo bulshada ee Puntland, isagoo inta badan ku mashquula arrimaha Muqdisho. Dhaliilayaasha ayaa ku dooda inuu Puntland magac ahaan uga isticmaalo ka muuqashada siyaasadda Federaalka iyo saxaafadda.
Waxaa sidoo kale muuqata inuu muddooyinkii dambe siyaasiyan ka soo horjeeday siyaasada Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo markii ugu horreysay loo doortay Madaxweynaha Puntland sannadkii 2019, isla markaana mar kale dib loogu doortay xilkaas Janaayo 2024.
Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hore ugu tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Inkastoo midkoodna aanu ku guuleysan doorashadaas, ayaa la aaminsan yahay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya labada masuul uu xilligaas sii xoogeysatay. Markii Deni loo doortay Madaxweynaha Puntland sannadkii 2019, dibna loogu doortay 2024, Cumar Cabdirashiid wuxuu si joogto ah uga soo muuqday safka siyaasiyiinta sida weyn uga aragti duwan siyaasadaha Madaxweynaha Puntland, inkastoo ay labaduba ka soo jeedaan hal deegaan.
Wareysigii ugu dambeeyey ee Cumar Cabdirashiid siiyey warbaahinta maxalliga ah ayuu ku caddeeyey inuu yahay musharrax Madaxweyne, hase yeeshee ma uusan faahfaahin hannaanka doorasho ee uu isku sharaxayo.
Taasi waxay dib u soo celinaysaa su’aashii ugu weynayd ee maanta taagan.
Doorasho noocee ah ayaa Soomaaliya geli doontaa?
Inta aan la isku waafaqin dastuurka, hannaanka doorashada iyo heshiiska siyaasadeed ee dalka, ku dhawaaqista musharraxnimo waxay u muuqan kartaa fariin siyaasadeed, balse ma noqon karto olole doorasho oo sal adag ku taagan.
Dal kasta oo dimuqraadi ah, marka hore waxaa la isku raacaa xeerarka doorashada; musharraxiintuna waxay yimaadaan kadib.
Soomaaliyana waxay u baahan tahay in marka hore laga jawaabo su’aasha ugu muhiimsan: doorashadu sidee ayay u dhici doontaa? Inta aan taas laga heshiin, isa-sharrax kasta wuxuu dhalinayaa su’aalo ka badan jawaabaha.
GAROWE ONLINE