Digniin qad cas ah oo laga soo saarey bixitaanka ciidanka ATMIS

Image
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in cawaaqibkan ay la kulmi doonto xukuumadda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Burbur degdeg ah oo ku yimaada hay’adaha dowliga ah ayaa laga yaabaa in ay ka dhacaan Soomaaliya marka uu dhamaado muddo xileedka howlgalka ATMIS, sida ay ka digayaan khubarada ammaanka.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in cawaaqibkan ay la kulmi doonto xukuumadda Muqdisho haddii aan laga qaadin cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay saartey dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo saraakiisha Midowga Afrika ayaa todobaadkan sheegay in ATMIS ay dalka ka soo saari doonto 2,000 oo askari marka la gaaro bisha June 30-da ee sanadkan.

Talaabadan ayaa u gogol xaaraysa in si buuxda usoo gabagaboobo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo kusoo billowday 2007-dii magaca AMISOM loona badalay ATMIS 1-dii Abriil, 2022.

C/salaan Yuusuf Guuleed, oo ah aasaasihii shirkadda Eagle Range Services, ee qaabilsan ammaanka, ahaana taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka arrintan walaac ka muujiyay.

"Waxaan walaac weyn ka qabaa in Soomaaliya ay noqoto Afgaanistaan ​​kale haddii ay ciidamada Midowga Afrika ka baxaan dalka, iyadoo aan Soomaaliya helin ciidamo xooggan oo si wanaagsan u hubeysan oo dhaqaale caalami ah iyo taageero la mid ah kan ATMIS," ayuu yiri Guuleed.

Guuleed oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa waxa uu ku nuux-nuux-sadey in muhiim ay tahay in laga baaraan-dego kahor inta aysan degdeg ku hayaamin ciidanka ATMIS.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaar u tahay in mas’uuliyadda amniga ay kala wareegto ATMIS, maadaama 2,000 oo askari ay dalka ka baxayaan.

Bixitaanka ciidamadda howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa waxaa xeerinaya qaraaro kala duwan oo kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kuwaas oo tirsigoodu kala yahay 2628 iyo 2670.

Asbuucan, koox farsamo ayaa loo magacaabay howlgalka ATMIS iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kuwaas oo kormeeri doona hirgelinta cilladaha ATMIS-ka kahor inta aysan gabi ahaanga ka bixin waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM