Falcelinta laga bixiyey bayaankii Golaha Ammaanka ee Laascaanood

Image
War-saxaafadeedkan ayaa mar kale waxa uu xaalada xarunta gobolka Sool kusoo jeediyey indhaha caalamka.

NEW YORK, United States - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii soo saaray war-saxaafadeed uu ku miisaamay colaadda Laascaanood ee taagan tan iyo dabayaaqadii bishii December, 2022.

Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo sheegtey in dagaalkan ay ku barakaceen in ka badan 150,000 oo qof ayaa walaac xooggan waxay ka muujisay khasaaraha nafeed ee soo gaarey rayidka.

Bayaanku wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u gaaraan heshiis xabbad-joojin ah waxayna dhiirigeliyeen darafyadda in ay isugu-yimaadaan wadahadal loo dhan yahay.

Goluhu wuxuu soo dhoweeyay dadaallada ay wadaan Dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo odayaasha dhaqanka ee lagu goobayo xabbad-joojin iyo wada-hadallo qaran oo loo dhan yahay oo ay Soomaalidu leedahay.

"Xal aan xabad ahayn"

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa, sidda ku xusan war-saxaafadeedkan, waxa uu ku baaqay in si degdeg ah looga saaro ciidamada Somaliland ee Laascaanood.

Mar kale dhammaan dhinacyada ayuu cod dheer kaga dalbadey inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falalka kicinta ah, hurin colaadaha iyo hadalada xanafta leh si loo dejiyo.

Dhanka kale, bayaanka UNSC ayaa laga bixiyay dareeno kala duwan. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuu soo dhaweeyay, wuxuuna soo cusboonaysiiyay baaqiisa in xal aan xabada ahayn loo baahan yahay.

Waxa uu sidoo kale soo bandhigay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay doorkeeda ka qaadato fududeynta wada-hadallada la doonayo in lagu dhameeyo colaadda.

"Somaliland ha baxdo"

Sidoo kale odayaasha deegaanka Laascaanood ayaa soo dhaweeyay, waxayna ku tilmaameen inay tahay tallaabo wax ku ool ah oo lagu nabadeynayo.

Cuqaasha ayaa u soo jeediyay UNSC in ay qaado tallaabo adag oo lagu xaqiijinayo in Somaliland ay u baxdo aagga Oog si xaaladda loo dejiyo. Waxa kale oo ay odayaashu Somaliland ku booriyeen inay aqbasho qoraalka UNSC.

Odoyaasha oo sii hadlay soona saarey war-saxaafadeed ka kooban hal bog ayaa hoosta ka xariiqay in ay si aan gabasho lahayn u taageersan yihiin hadalka ka soo baxay UNSC.

Geesta kale, Somaliland ayaa dhinaceeda soo dhawaysay qaybta ay ku baaqday in colaadda la joojiyo, lana abuuro xaalado nabadeed, gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo dejinta xaaladda Laascaanood.

"Colaad soo jireen ah"

Hase ahaatee, maamulka Hargeysa ayaa waxa uu ku adkeystay in ciidamadooda ay ka baxeen Laascaanood ayna kaliya ku sugan yihiin “goob difaac ah” oo ka baxsan magaalada Laascaanood.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxay walaac ka muujisay "in UNSC uu ku guuldaraysatay inuu qiro joogitaanka Al-Shabaab ee sida xawliga ah ugu fidaysa Laascaanood iyo gobolka Sool".

"Tani khatar kuma aha Somaliland oo keliya, balse sidoo kale waxay khatar ku tahay dalalka aynu jaarka nahay, Soomaaliya, Itoobiya, iyo Jabuuti iyo sidoo kale gobolka oo dhan," ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Laascaanood ayaa dhowrkii sano lasoo dhaafay waxay xudun u ahayd is-qabqabsi soo jireen ah una dhaxeeya Somaliland iyo Puntland kuwaas oo kala sheeganaya degaanada ka kala tirsan Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM