Falkii Ruushka sameeyay 2010-kii ee ka careysiiyey Soomaaliya

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa dalbatay raali-gelin buuxda kadib dhacdadaas buuqa diblumaasiyasadeed abuurtay.

WASHINGTON, United States - Waqtiyadan casriga ah, dalalka Ruushka iyo Soomaaliya ayaa wadaagay xiriir diblumaasiyadeed oo caadi ah, iyadoo Moscow uu dhowr jeer gargaar bini'aadannimo u soo diray Muqdisho.

Bishii Maajo 2010, Soomaaliya waxay si caro leh uga jawaabtay qaabkii ay ciidamada badda Ruushka u samatabixiyeen markab booyad ah oo lagu magacaabo MV Moscow University, kaas oo laga qafaashay meel 560 KM u jirta xeebaha Yemen.

Warbaahinta Ruushka ayaa xiligaasi sheegtay in 10-burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo afduubka u haystay markabka iyo shaqaalihii la socday, lagu sii daayay badda furan, "sababo ku aadan in aysan jirin sabab lagu maxkamadeeyo gudaha Ruushka".

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligaas waxay sheegeen in burcad-badeeddu aysan waligood soo gelin xeebaha ayna u badan tahay inay ku dhinteen badda.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xilligaas ka digay in xiriirka kala dhaxeeya Ruushka uu waxyeelo soo gaaro dhacdadaas aawadeed, waxayna ka dalbatay dowladda Ruushka in ay raaligelin ka bixiso.

Wixii markaas ka dambeeyay, labo kamid ah ra’iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya, Cumar Sharma’arke iyo Xasan Cali Khayre, waxay la kulmeen madaxda ugu sarreysa dalka Ruushka.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay u badan tahay in ay kala xaajoodeen ayaa waxaa la sheegay in ay kamid tahay codsi ah in laga caawiyo tayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa VOA Somali u sheegay sannadihii u dambeeyay in ciidamada Ruushku ay isha ku hayeen dekedda Berbera ee ku taalla Somaliland si ay uga dhigtaan saldhig ku teedsan badda cas.

Bishii November ee la soo dhaafay, Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ayaa ka aamusay codbixintii Golaha Ammaanka ee lagu sii wadi lahaa cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, si ay u taageeraan diidmada xooggan ee Muqdisho.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa taageeray sii wadida xayiraadda hubka wallow la dabciyey isla markaana Soomaaliya loo ogolaado in ay soo iibsato hubka qaarkood tusaale ahaan gantalaaha garbaha laga gano iyo rasaasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM