Fariinta laga akhrisan karo weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Tawakal

Image
Wuxuu ahaa falkii labaad oo noociisa ah oo maleyshiyadda ka geysato magaaladda Kismaayo.

KISMAAYO, Jubaland - Al-Shabaab ayaa afar weerar ka fulisay bishan gudaheeda Soomaaliya. Hotel Tawakal ee Kismaayo ayaa ugu dambeeyay halkaasoo ay ku naf-waayeen sagaal qof shacab ah oo arday ku jiraan.

Horraantii bishan Oktoobar, saddex qarax ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof. Gobolka Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

C/salaan Guuleed, agaasimaha Hay’adda Eagle Ranges Services oo ah shirkad amni oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay dagaal ka wadaan meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan, wuxuuna fariin u diray dowladda federaalka.

Guuleed ayaa sheegay in weerarkii Axadii lagu qaaday Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo uu muujinayo in Al-Shabaab ay "xilli kasta weerari karaan meesha ay doonaan".

Khabiirkan dhanka ammaanka ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sidoo kale ay muujineyso sida Al-Shabaab ay u hayaan xogta dadka isku diyaarinaya la dagaalanka maleyshiyaadka.

Fariinta laga akhrisan karo weerarkan

Falanqeeyaha ayaa carabka ku adkeeyay inuu hayo xog ku saabsan in Hotelka ay ka socdeen shirar looga hadlayay sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa loogana saari lahaa Jubbooyinka.

"Haddii dowladda ay ku guuldareysato in ay ka adkaato Al-Shabaab cawaaqib-xumada ka dhalan karta waxay ka imaan kartaa beelaha la safan dowladda," ayuu ka shanqariyey.

Taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in la balaariyo furimaha lagala dagaalamayo Al-Shabaab "maadaama haatan ay kooban yihiin".

"Jubaland waa in ay dagaalka kusoo biirtaa; Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waa in uu ku soo biiraa dagaalka; mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay ku biiraan dadaallada," ayuu ku taliyey Mr Guuleed.

Meesha kaliya ee howlgaladan ay sidda muuqata uga socdaan waa gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle halkaasoo dadka degaanka iyo ciidamadda ay la wareegeen degaano ayna khaarijiyeen Al-Shabaab badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM