Furaha la dagaalanka ilaha dhaqaalaha maleyshiyaadka Al-Shabaab

Image
Warbixin 2022 ka soo baxday machadka Hiraal ayaa lagu qiyaasay in Al-Shabaab ay ururiso lacag dhan 15 milyan oo doolar bishii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilawday weerar militari oo joogto ah oo ka dhan ah Al-Shabaab bishii Luulyo 2022. Gulufka waxaa qeyb ka ah dedaallo la dardargeliyey bilihii la soo dhaafay kaasoo jeedadiisu tahay sidii loo curyaamin lahaa dakhliga ballaaran ee ay hesho kooxda hubeysan.

Khubaro uu ka mid yahay Aweys Axmed oo culuumta siyaasadda iyo arrimaha dibadda ka dhiga Jaamacadda maxaliga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in shaqaddan ay tahay hawl culus.

"Awoodda [dowladda federaalka ah ee Soomaaliya] ay ku xakameyso lacagaha ay hesho Al-Shabaab waa mid xadidan," ayuu u sheegay majaladda The Africa Report.

Dakhli 120 milyan oo dollar sanadkii

Al-Shabaab ayaa ururisa lacag dhan 120 milyan oo dollar sanadkii iyadoo ku dhawaad ​​24 milyan oo dollar oo miisaaniyadeeda sanadka ka mid ah loo isticmaalo in ay hub ka soo iibsadaan dibadda, sidda ay sheegtey Qaramada Midoobay.

Qori caaradiisa, cago-jugleyn iyo xeeladaha kale ee maafiyada ayaa kamid ah qaababka ay Al-Shabaab uga qaado lacagta baadda ah ganacsiyada, hantida ma-guurtada ah iyo agabka maraakiibta la soo dejiyo.

Warbixin 2022-kii soo baxdey ayaa lagu qiyaasay in dagaalameyaashaAl-Shabaab ay ururiso lacag dhan 15 milyan oo doolar bishii — in ka badan dakhliga soo gala dowladda Soomaaliya.

Furaha la dirirka baada Al-Shabaab

"Dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya waxa ay Al-Shabaab siiyaan lacag bil kasta iyo “zakad” ama canshuur sannadkii, waxayna ka bixiyaan 2.5% faa’iidada sannadlaha ah," ayay tiri warbixintu.

Matt Bryden, oo ah khabiir dhanka amniga ah, ahna lataliyaha dhanka istaraatiijiyadeed ee hay’adda cilmi baarista ee Sahan Foundation ee fadhigeedu yahay Kenya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay xoojiso shuruucda maaliyadeed ee ay Al-Shabaab uga faa’ideysato bangiyada iyo xawaaladaha.

"Xukunka dowladda ee ka dhanka ah waaxda maaliyadda iyo adkeynta daldaloolooyinka ayaa sidoo kale fure u noqon doona la dagaallanka al-Shabaab iyo in la qalajiyo saldhigyadooda," ayuu tibaaxay.

155 milyan oo doolar illaa $2.7 bilyan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday inuu arrintaas sameyn doono, isagoo si wanaagsan ula socon doona bankiyada rasmiga ah, isla markaana la dhaqan gelinayo sharciga 2016-ka ee ka hortagga dhaq-dhaqaaqa iyo maalgelinta argagixisada, kaasoo hay’adaha maaliyadda looga baahan yahay inay soo sheegaan dhammaan wax kala iibsiga oo dhan $10,000 ama ka badan.

Bartamihii Janaayo, dowladdu waxay ku dhawaaqday inay xayirtay 250 xisaabaad oo bangi ah iyo 70 xisaabaad oo lagu xawilo lacagaha mobilada oo lala xiriiriyay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Inta badan qulqulka lacagaha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sameeyaa lacag caddaan ah iyo xawaaladaha mobilada. "Bil kasta, Soomaalidu waxa ay sameeyaan is-dhaafsi lacageed oo dhan 155 milyan oo doolar illaa $2.7 bilyan," ayuu ka shanqariyey cilmi-baaraha ACS, Wendy Williams, oo maqaal daabacay 27-kii bishii March sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM