Gaabiska gulufkii Macawiisleyda iyo halista ka imaan karta Al-Shabaab

Image
Xildhibaan Hiiraan Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa dhowaan qirtay in hal beel oo keliya aysan jabin karin maleyshiyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib todobaadyo ay cirka maraysa xamaasadda dadka shacabka is-abaabuley ee Macawiisleyda ayaa waxa ay hadda u muuqanaysaa in uu jiro waxoogaa hoos-u-dhac ah.

Inkasta oo Macawiisleyda ay ku guuleysatay in Al-Shabaab laga xoreeyo inta badan deegaanada Hiiraan ayaa waxa uu gaabis ku yimid hawlgaladii ka socday Galgaduud iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa arrimahan sii xoojiyay weeraro arxan darro ah oo Al-Shabaab ay ka geysatay goobaha shacabka ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dad aad u tiro badan ku dhinteen.

Dhowaan Xildhibaan laga soo doorto gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa qirtay in hal beel oo keliya aysan jabin karin Al-Shabaab, wuxuuna soo jeediyay talo cusub oo ah in xitaa haddii dagaalo looga furi waayay Alshabaab meelaha kale in meesha uu dagaalka ka socdo lagu jabiyo.

Fikradan oo aad loogu guuxay ayaanse weli dhaqan-galin, iyada oo dowlad goboleedyada intooda badan ay si hoose u diidan yihiin fikradda shacabka hubeysan ee Al-Shabaab la dagaalamaya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyaduna weli aanan qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu sii dardar galinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka Alshabaab waxaa dagaaladan kusoo gaaray khasaare culus oo galaaftay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muhiimsanaa, taasi waxa ay keentay in laftooda ay dagaalada lugta dib uga yara dhigaan, joojiyaane weeraradii badnaa ee furumaha ciidamada, balse taasi kama dhigna in aysan jirin wax ay qorsheynayaan.

Waxaa la aaminsanyahay in qiimeynta xaaladda kadib ay Al-Shabaab samayn doonto dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro kadis ah oo ay ku qaaddo meelo muhiim ah gaar ahaan fadhiisimaha ciidamada macawiisleyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM