Galka Sulub Axmed Firin: Xujadii Xamse Barre iyo Xaraashka Xasan Sheekh

Image
Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay isku-hayeen hogaanka dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado gudaheeda, Sulub Axmed Firin ayaa isku-maray darajooyinka Taliyaha Booliska Soomaaliya, Sareeye Gaas iyo Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumada federaalka ah.

Dhacdooyinkan ayaa sababay in ay dad badan su'aallo iska-waydiiyaan galka Sulub kaas oo doodiisa ay dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay dhextaallay madaxwayne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale, talaabooyinkan ayaa horudhac u ah in General Asad Diyaano loo magacaabayo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, waa jago uu ku xaraash-tamayo Xasan Sheekh kadib markii uu soo dhaafay xujadii Xamse.

Xujadii Ra'iisul Wasaare Xamse

Sida ay illo wareedyo loo qaateen ah u sheegeen warsidaha Garowe Online, Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa hortaagnaa magacaabida Diyaano in muddo ah taas oo ay ku adkaatey Xasan Shiikh inuu amar dul dhigo go'aanka Hamsa. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xamse uu xujo ka dhigtay in Sulub aan laga dhex-saarin xukuumadiisa haddii uu waayayo jagada taliyaha booliska "si ay u naaqusin xisaabta uu reerkiisa usoo dhiciyay," ayay ku dareen.

Xaraashka madaxwayne Xasan

Dadka sida dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa Villa Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay warsidaha GO in Xasan uu Madaxweyne Xasan ka go'an tahay in xilal siiyo siyaasiyiin ka fikrad duwan maamulka Puntland ee hadda talada haya.

Qorshaha ayaa dad badan ay rumeysan yihiin inuu Xasan Sheekh ku xaraashayo kaarkiisii ugu dambeeyay kahor inta aysan qabsoomin wadahadalada ay gadaal ka riixeyso Beesha Caalamka ee Puntland iyo Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Samatabixinta Qaranka waa inuu masiirka dalka ku iibin miiska wadahadalka

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo…

  • Faalada Warka

    10-08-2025

  • 03:18AM

Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata…

  • Faalada Warka

    25-07-2025

  • 11:43AM