Is-maan-dhaafka ku wareegsan qorshaha dhimista ciidanka ATMIS

Image
Khilaafkan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay waxyeelo u geysato qorshaha wajiga labaad howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee loo yaqaano ATMIS ay dhimeen tirada ciidamada ayaa sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa uu ka digay in qorshahan uu yahay mid aan laga fiirsan, isla markaana uu sare u qaadayo khatarta ah in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan goobihii ay ka waayeen.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ayaa VOA-da u sheegay in ay ku adkaan doonto in ciidamada Soomaaliya ay sugaan ammaanka goobaha ay baneeyaan ciidamada Midowga Afrika.

"Waxaa meeshaas ka iman doonta khatar," Maxamuud Sayid Aadan ayaa yiri Talaadadii. "Cadowgu wuxuu doonayaa inuu faa'iido helo. Dadka rayidka ah ee ku tiirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS-ka waxay la kulmi doonaan aargoosiga [maleeshiyada al-Shabaab].”

Balse mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah ayaa arrintaas ku khilaafay. Yaasiin C/llaahi Maxamuud oo loo yaqaano Fareey ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah.

Fareey waxa uu horay u soo noqday Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka. Waxa uu hadda ka mid yahay saraakiisha abaabuleysa ciidamada deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mudanaha oo wareysi kale siiyey VOA-da ayaa tibaaxay in Soomaalida ay u mahadcelinayaan ciidamada Midowga Afrika balse go’aanka dhimista aysan ahayn mid lagu degdegay.

"Waa waqtigii ku habboonaa ee ay ciidamadu bixi lahaayeen," ayuu ku adkeystay. "Waa lagama maarmaan in ciidamada qaranka ay la wareegaan mas'uuliyadda amniga".

Isaga sii hadlaya, Farey ayaa sheegay in ciidamada ATMIS aysan si weyn uga qeyb qaadan howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-shabaab sanadkii hore, wuxuuna caddeeyay in la gaaray waqtigii ciidamada Soomaaliya ay sare u qaadi lahaayeen.

Dhimista ciidamada Midowga Afrika ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Federaalka ay isku diyaarineyso in ay dib u bilowdo wajiga labaad howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay hakiyeen roobabkii iyo weerarradii ay maleeshiyadu abaabushay.

Wajigii labaad ee howlgallada ayaa loogu magac daray “Libaaxa Madow”. Ciidamo ka socda dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan. Sikastaba ha ahaatee, is-maan-dhaafka ku gadaaman bixitaanka ciidamadda ATMIS waxaa laga cabsi qabaa in ay waxyeelo u geysato qorshaha wajiga 2aad howlgalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM