Isbadal lagu sameeyay hanaanka madaxtinimada Soomaaliya

Image
Hirgelinta qodobkan ayaa waxay gabi ahaanba meesha ka saareysaa jagadda ra'iisul wasaaraha dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa waxay u guureysaa nidaamka madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen, sidda ay habeenimadii Sabtida ku dhawaaqeen in ay ku heshiiyeen madaxda Soomaalida.

War-murtiyeedkan ayaa laga soo saarey shirkii madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Uqdisho intii u dhaxeysay 24-27 May, 2023.

Qodobka 7aad ee lifaaqa heshiiska oo ciwaankiisu yahay "Nidaamka Madaxtinimada Dalka" ayaa waxa uu qeexayaa in talaabadan loo qaadayo "si loo dardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena".

"Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan," ayaa lagu yiri fahfaahinta qodobkan.

Shirkan uu guddoomiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiradda lagu saarey arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka, deyn-cafinta iyo fulinta heshiisyaddii hore.

Hogaamiyaha Puntland ee muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii labaad oo xiriir ah ka maqnaa kulankan sababo uusan wali fahfaahin rasmi ah ka bixin.

War-murtiyeedka ayaa lagu caddeeyay in madaxda ay isku-raaceen heshiis mideysan oo ku wajahan doorashooyinka mideysan, dardargelinta hanaanka deyn-cafinta iyo in xukuumadda ay fuliso heshiisyadii hore.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah ayaa waxay ku heshiisyeen jadwalka doorasho oo mideysan, sidda ku xusan war-murtiyeedka kasoo baxay shirkooda magaaladda Muqdisho.

Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee guud ahaan dowlad goboleedyadda ayaa loo qorsheeyay 30-ka Juunyo 2024, iyada oo doorashooyinka aqalka wakiilada ee maamulada, Madaxweynaha, iyo Ku-xigeenkiisa loo qorsheeyay 30-ka Noofambar 2024.

Tan ayaa ka dhigeysa in dowlada Federaalka hadda jirta muddo xileedkeedu yahay shan sano halka maamulada kale marka laga reebo madaxweynayaashooda la isugu keeney muddo xileed shan sano ah.

Sikastaba ha ahaatee, talaabooyinkan ayaa ka dhigan isbadal weyn oo ku yimid hanaanka siyaasadda Soomaaliya, waxaana aanan la ogayn sidda ay uga falcelin doonan daneeyeyaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM