Isbar-bar-dhigga dhulalka ay Xasan Sheekh iyo Erdogan kala bedesheen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxay ku taallaa dhul-xeebeed, waxayna ku fadhisaa in ka badan 61,000 sqm.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay dhulka muddo xileedkiisii koowaad gaar ahaan sanadkii 2015. Waxaa lagu dhisay $65 million.

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, waxay ku taalla goob diblomaasiyadeed, Incek, Ankara, waxay ku fadhisaa dhul dhan 3,000 illaa 4,918 sqm.

Dhismaha waxaa ku bixi doono wax ka badan $6 million, sidda laga soo xirgtay warbaahinta Turkida.

Dhulka la siiyay Soomaaliya dood badan ayay ka abuurtay Turkiga, waxaana wargeyska Sozcu uu cinwaan uga dhigay warbixin uu ka qoray: "Jacaylka Soomaaliya waxba nooma badbaadin".

Labada dowladood waxay heshiis ku galeen 2022 inay is-waydaarsadaan dhulka iyo waxyaabo kale, waxaana la filayaa in arinta dhulka safaaradda la siiyay Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Garowe Online Ugu Magacaabey Madaxweynaha Puntland “Shaqsiga Sanadka”

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa sannad ay Puntland wajahday mid ka mid ah halisihii…

  • Faalada Warka

    18-12-2025

  • 07:59AM

Ilhaan Omar Waa Inay Joojisaa Dagaalka Afka ah ee Ay La Waddo Donald Trump

Muddooyinkii u dambeeyay, muranka labada dhinac ayaa ka baxay xayndaabkii doodaha…

  • Faalada Warka

    28-11-2025

  • 04:34PM