Turkiga iyo xiisada Soomaaliya v Itoobiya: Difaacid mise dhexdhexadin?

Image
Saxaafadda Turkiga ayaa warisay in Ankara ay diyaar u tahay in ay u kala dab-qaado Muqdisho iyo Addis Ababa.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Antalya kula kulmay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, sidda ay shaaciyeen Madaxtooyadda labada dal.

Is-aragga labada hogaamiye ayaa ahaa kulan doceed ay yeesheen intii ay socotaya Madasha diblomaasiyadda Antalya taas oo ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah madaxda dalalka caalamka.

Villa Soomaaliya ayaa warisay in kulanka "looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka gees ka Afrika".

Sidda ay daabacdey warbaahinta Turkida, madaxweyne Erdoğan ayaa carabka ku adkeeyay "in dhinacyadu ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqaalaha iyo difaaca".

Saxaafadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa ay tabineysaa in Erdoğan uu muujiyay in Ankara ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo xiriirka ka dhaxeeya uu si weyn hoos ugu dhacay.

Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa goradda is-daray kadib markii xukuumadda Abiy Axmed ay heshiis la gashay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somalilnad kaas oo dunida aysan aqoonsaneyn.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii Febraayo kala saxiixdey heshiis ujeedadiisu ahayd xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah gaar ahaan waaxyaha badqabka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Sida ku cad heshiiskan oo ay saxiixeen wasiirradooda gaashaandhigga, isla markaana uu dhawaan ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya, Turkigu wuxuu siin doonaa tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soomaaliya.

Talaabadan ayaa waxa ay u ogolaanaysa Soomaaliya inay ka ilaaliso kheyraadka badda iyo guud ahaan badda ee khataraha sida argagixisada, burcad-badeedda iyo “faragelinta shisheeye. ”.

Heshiiska ayaa sidoo kale sare u qaadi doona horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsi ee labada dal, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen kalluumeysiga, dalxiiska iyo tamarta ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo guddoominayay shirka golaha wasiirrada ee lagu ansixiyay heshiiska ayaa ku qeexay guul taariikhi ah oo dalka u soo hoyatay, isagoo uga mahadceliyay Turkiga taageerada hagar la’aanta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM