Kenya oo "is-faham horudhac ah" dhex-dhigtay Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa la filayaa in todobaadkan ay hoos-u-dhigaan hadalada ay hawada isku-mariyaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku hawlan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, sidda laga soo xigtay majaladda The EastAfrican.

Laga bilaabo usbuucii hore, Addis iyo Muqdisho ayaa, sidda ay xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloola dooda, waxaa la filayaa in ay hoos u dhigaan hadalada ay hawada isku-marinayaan.

Ruto ayaa magaalada Nairobi ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo safarro kala duwan ku joogay caasimada Kenya.

Dr Abiy ayaa ku yimid booqasho qaran halka Xasan Sheekh uu ka qeyb-galay kalfadhiga lixaad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay (Unea-6) oo ka dhacay xarunta Unep ee magaalada Nairobi.

Arrimaha amniga iyo dhaqaalaha Geeska Afrika ayaa si weyn uga dhex muuqday kulamadii ay labada hogaamiye la kala yeesheen madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Illo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay The EastAfrican, rabitaanka Kenya waxa uu ahaa in la hubiyo in muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uusan isku rogin gacan ka hadal.

Tan iyo bishii Jannaayo, Addis Ababa iyo Muqdisho ayaa si cad u muransanaa ka dib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la gashay Somaliland oo ah gobol kamid Soomaaliya oo aan wali la aqoonsan.

Kenya waxay isku dayday inay dhexdhexaadiso labada waddan, balse Soomaaliya way diiday in wax wada hadal ah la galo ilaa ay Itoobiya meesha ka saartay heshiiskii Is-afgaradka.

Itoobiya waxay ku adkaysatay, si kastaba ha ahaatee, in heshiiskaas uu ahaa arrimo ganacsi, ee aanu ahayn in ay qaadato dhul Soomaaliyeed. Balse, waxaa marmarsiyadaas diidey xukuumada Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee, isku-dayga madaxwayne Ruto ayaanan la ogayn sidda uu ku shaqeyn doono maadaama madaxwayne Xasan Sheekh uu cadaadis ka haysto gudaha dalka horeyna mowqif u qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM