Kenya Al-Shabaab ku dhuuman karaan haddii laga saaro Soomaaliya

Image
Saraakiil ciidan ayaa ka digay in kooxda ay goobtan fariisin u noqon karto haddii looga guuleysto gulufka hadda soconaya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarinaysa wajigii labaad ee howlgallada loogu magac daray “Libaaxa Madow”. Ciidamo ka socda dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa VOA u sheegay inuusan fileynin in 2,000 oo ka mid ah ciidamada la saarayo Soomaaliya aysan heli karin.

Wuxuu sheegay in ciidamada ka socda Itoobiya iyo Uganda ay sii wadi karaan taageerada ay siinayaan ciidamada qaranka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab qaab laba geesood ah – taas oo ah, aan xiriir la lahayn ATMIS.

Dhimista ciidanka ATMIS ayaa sidoo kale ku soo beegantay iyadoo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dabayaaqadii bishii May, Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaaday ciidamada ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan magaalooyinka Buulo Mareer iyo Masagawaay, halkaasoo ay ku dileen askar badan.

Intaa waxaa dheer, al-Shabaab ayaa sidoo kale kordhisay weerarada Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay. Illaa 15 weerar ayaa laga diiwaan geliyey gobolka xeebta ee Lamu iyo Waqooyi Bari, kuwaas oo qaarkood lagu dilay askar iyo dad rayid ah.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa ku doodaya in istiraatijiyada ay tahay in la ilaaliyo marinka isku xira Soomaaliya iyo Kenya, oo maleeshiyaadkooda ay u adeegsadaan weerarada ay ka geystaan ​​labada dhinac ee soohdinta.

Saraakiisha qaar ayaa TIBAAXAY in weerarada Al-Shabaab ee Kenya ay muujineyso in kooxdu ay dooneyso in ay sii wado dagaalada ka socda gudaha Kenya hadii looga adkaado Soomaaliya.

"Haa, way sii wadi karaan dagaalka Kenya haddii lagu burburiyo Soomaaliya," ayuu mid kamid ah saraakiisha. "Waxay u guuri doonaan kaynta [Boni], oo ah dhulka qoyan ee xeebta ee labada dhinac ee soohdinta".

Waxa uu intaas ku daray: "Waxay rabaan inay halkaas ku sii dhuuntaan oo ay isku dayaan inay dib u soo laabtaan, oo ay weeraraan meelaha laga qabsaday, oo ay gaadmo iyo rabshado ka geystaan".

Al-Shabaab oo ah koox xagjir ah isla markaana gacansaar toos ah la leh shabakadda argagixisadda caalamiga ah ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii waxa ay u dagaalamaysay gacan ku heynta Soomaaliya wallow ay ku guuldareystay in ay ka dhabeyso riyaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM