Khilaaf gacan-ka-hadal isku rogay oo ka dhex-qarxay Al-Shabaab

Image
Xiisadan ayaa lagu waramay in ay ka oogan tahay magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubada Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabab ayaa weerarey guri uu xarunta gobolka Jubada Dhexe ee Jilib uu ka dagan yahay Jaabir, mid kamid ah ajaaniibta saameynta leh ee ka tirsan kooxda, sidda ay sheegeen illo sirdoon.

Saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in maleyshiyaadka howlgalkan fuliyey ay hoos-tagaan Mahad Karateey. Jaabir oo gurgiisa uu ku yaallo suuqa Kalluunka ee degmada Jilib ayaa kasoo jeeda dalka Kenya.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ayaa tabisay in iska-hor-imaad halkaas ka dhacay ay ku naf-waayeen shan xubnood Al-Shabaab ayna ku dhaawacmeen sideed kale oo uu ku jiro Jaabir.

"Maleeshiyaad weerarey horjooge Jaabir ayaa doonayey in ay wiiqaan ajaanibta ka hortimid horjooge cusub oo lagu magacaabo Jacfar Sudaani," ayuu yiri sarkaal sirdoon oo sabab ku saabsan xasaasiayda kiiskan uga gaabsadey magaciisa.

Macluumaad kale oo dheeraad ah ayaa intaas ku daraya in Salmaan Muhaajir oo kamid ah horjoogeyaasha ajaaniibta ah iyo dagaalameyaal taabacsan ay doonayaan in ay soo furtaan ajaaniib kale oo lagu xiray xabsi ku yaalla Jilib.

"Horjoogayaashaan Ajaanibta ayaa waxaa dhowaan degaan Kobsuuma ee ku dhow ayaa ka soo qafaashey hogaamiye kooxeed ka tirsan kooxda Al Shabaab oo la yiraahdo Maxamad Amiin. Maxamad Amiin ayaa dhalasho ahaan waxay aad isugu dhow yihiin Mahad Karataay," ayaa lagu yiri warbixinta warbaahinta dowladda.

Sidda laga soo xigtey warbixinta iyo saraakiisha ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya, xabsiga ay ku jiraan ajaaniibtan waxaa gacanta ku haya horjooge Bashaalow oo ay aad isugu dhow yihiin Mahad Karataay.

"Madax kooxeedyada Al Shabaab ayaa u xuubsuubtey iney xoog ku muquuniyaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ee fakar ahaan taabansan Salmaan Muhaajir kaas oo Al Shabaab ay hadda aad u baadigoobayaan isagoo ku dhuumaaleysanaya degaano hoos taga degmada Jilib," ayuu xusay sarkaalka ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Khilaafka kasoo dhex-shaac-baxaya Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli goboladda Hiraan, Shabelada Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ay ka socdaan howlgaladda ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka degaanka.

Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in wajiga labaad ee gulufkan ciidan uu bilaaban doono bishan barakeysan ee Ramadan isla markaana bartilmaameedka uu yahay xoreynta fariisimaha muhiimka ah ee kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM