Kulanka Xamse iyo Deni: Bilowga maalmo malab mise xiisad dajin?

Image
Dildilaacii ugu horeeyay ayaa soo shaac-baxay laba saac kadib markii ay kulmeen labada mas'uul. [Photo: OPM]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay hoyga uu magaala madaxda Muqdisho ka joogo ku qaabilay Ra'iisul Wasaare Xamse, sidda ay shaaca ka dhigtey Madaxtooyadda Puntland.

Waa markii ugu horeysay oo ay labada mas'uul si fool ka fool ah isku arkaan kadib dhamaadka ololihii doorashada May, 2022 iyo magacaabida June, 2022 ee xilka wasiirka koowaad.

"Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xamse.

Balse, xafiiska Deni ma uusan soo hadal-qaadin qodobada looga hadlay is-aragga. Halka arrin kale oo labada xafiiska isla qireen waa in ay goobjoog ka ahaayeen kulankan labada mas'uul oo la carabaabay.

Shaqsiyaadka kasoo muuqdey kulanka waa La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Dib-u-gurasho siyaasadeed

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo wariyey in Xamse uu "booqasho iyo salaan" ugu tagay Deni ayaa laba saac kadib waxa uu dib-u-habeeyay qoraalka uu faafiyey wadahadaladda.

Bayaankan oo lagu daaabcay ciwaanka Facebook-ga ee xafiiska wasiirka koowaad, OPM Somalia, ayaa kalkii hore wuxuu Puntland ku qeexay "dowlad" balse waxaa loo badalay "Dowlad goboleed".

Lama ogga sababta dhabta ah ee arrintan keentay. Hase ahaatee, dadka uga falceliyey baraha bulshadda ayaa ku macneeyay "dib-u-gurasho siyaasadeed" iyo in laga yaabo in ay ka dhalatay "cadaadis madaxda sarre ah".

Mawduuca la xiriira magaca loogu yeerayo maamuladda shanta ah ee Soomaaliya waa mid mar walba soo laab-laabta waxaana aalaaba uu abuuraa xurguf hoose balse la isku-dayo in aad loo qariyo.

Puntland oo la aas-aasay sanadka markii uu ahaa 1998-dii kadib burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya waa maamulkii ugu horeeyay ee ku saleysan nidaamka federaalka ee ka hana-qaadey dalka.

Bilowga maalmaha malabka?

Kulanka Deni iyo Xamse ayaa kusoo aaday ka gadaal markii warsidaha Garowe Online uu daabacay maqaal ku saabsan xiriirka aan wanaagsanyn ee ka dhaxeeya labadda mas'uul ee wadaaga mataalaada siyaasada.

GO oo soo xiganaysa illo wareedyo aad ugu dhow labada dhinac ayaa taxtiilisay dhacdooyin la diiwaan-geliyey kadib magacaabidii ra'iisul wasaaraha oo Deni iyo Xamse ay si ba'an ugu loolameen.

Dhacdooyinkaas la xaqiijiyey waxaa kamid ah; in Deni xiriirka isgaarsiinta u gooyey Xamse, in uu diidey booqasho uu ku tago Garowe iyo in uusan ku casuumin daahfurka marsadda Garacad ee gobolka Mudug.

Gorfeeyeyaasha ayaa is-waydiinaya haddii is-aragga Deni iyo Xamse uu yahay "bilowga maalmaha malab" mise "xiisad dajin" xilli madaxweynaha Puntland uu wajahayo cadaadis gudaha oo ka dhashay damaciisa ku darsiga.

Dadweynaha Puntland ayaa ka digay cawaaqib-xumo iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta qaabka aan isla-ogolka ahayn ee Saciid Deni maagan yahay in uu ku hirgeliyo barnaamijka dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM