Labada aragti ee ku xeeran isbedelka hogaanka milatariga Soomaaliya

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay taliyaha milatariga iyo taliyaha ciidamadda lugta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyay magacaabida taliyaha cusub ee milatariga kaas oo loo xushay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin. Sidoo kale, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa saxiixay magacaabidda.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in magacaabida Jeneraal Ibraahim ay ku timid soojeedinta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Balse, warar kale oo laga helay illo madax-banaan waxay sheegayaan in uu magacaabay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Jeneraal Ibraahim ayaa waxa uu badalayaa Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge. Isbedelkan waxa uu imaanayaa xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen isku-dhaca ciidanka.

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelmihii ugu dambeeyay ciidamadda isku-dagaalameen halkaasoo khasaaro nafeed uu ka dhashay.

Odowaa oo xilka taliyaha ciidamadda hayey tan iyo sanadkii 2019-kii ayaa ku guuldareystay in uu xal degdeg ah u helo isku-dhacyada ciidamadda oo soo laab-laabtey.

Waa kuma Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin?

Ibraahim ayaa waxa uu soo noqday Madaxii Hab Maamuuska iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda kuwaas oo loo yaqaano Koofiya Casta.

Xilkan ayaa waxa uu soo qabtey muddo xileedkii koowaad Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah intii u dhaxeysay 2012-2017.

Dhanka kale, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa Sareeye Guuto Axmed Aadan Cali waxa uu u magacaabay taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, sidda ay faafisay Villa Soomaaliya.

Falanqeeyeyaasha ayaa ku kala qeybsamay magacaabida hogaanka cusub ee ciidamadda. Qaar waxay sheegeen in ay wiiqeyso howlgaladda halka kuwa kale ay tibaaxeen in ay dhiig cusub ku shubeyso gulufka.

Isbedelkan lagu sameeyay ciidamadda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli loo diyaar-garoobayo wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo horey dib ugu dhigay sababo ku aadan saad la’aan iyo is-maan-dhaaf dhanka istaraatiijiyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM