Labo arrimood oo fashilin karta gogosha siyaasadeed ee Garowe

Image
Ajandaha ugu weyn ee madashan ayaa ah dooda haatan taagan wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 30-kii Janaayo, 2024 waxa uu ku dhawaaqay shirwayne ay Puntland marti-gelin doonta kaas oo ajadahiisu yahay xaalada qalafsan ee waqti-xaadirkan ku jirto Soomaaliya.

Deni oo kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyay xafiiskiisa warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in gogoshan siyaasadeed ay kasoo baxdey kulamadii hareer-socdey munaasabada caleema-saarkiisa ee Garowe ka qabsoontay 25-kii bishii hore.

Isla hadal-jeedintiisa ayuu Deni ku caddeeyay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday qabsoomida iyo ka qeybgalka madashaas oo waqtigeeda aanan wali la muddeyn balse lagu balamay in si degdeg ah loo qabto.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, Saalax Jaamac, ayuu ka dhawaajiyay in loo xil-saarey diyaarinta ajandaha shirka wallow uusan la wadaagin dadweynaha. Tani waxay dhalisay dood ku saabsan doorka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ajendaha ugu weyn ee gogosha Garowe uu noqon karo dooda ka taagan wax ka badalka dastuurka oo ay hoos-imaanayaan hanaanka awood-qeybsiga iyo haylkalka dowladnimadda Soomaaliya.

Labo arrimood oo fashilin kara gogosha

Inkasta oo illaa haatan dhinacyadda ay rajo wanaagsan muujinayaan, haddana falanqeeyeyaasha waxa ay soo bandhigayaan saddex qodob oo haddii darafyadda qaadaan dhabaha u xaari karta inuu dhicisoobo is-araggan.

Iyadda oo wali ay kamid tahay qodobada muranka uu ka taagan yahay, haddii hogaanka dowladda federaalka ku adkeysto in is-araggan uu ku koobnaado Madasha Wadatashiga Qaranka, waxay horseedi karo in shirka fashilmo kahor qabsoomidiisa.

Sidda ay GO u xaqiijiyeen illo wareedyo, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa madasha uu ka qeybgalkan kulankan ku aqbalay oo ahayd kulan qaddo ah oo loo qabtey martidii Garowe u tagtay caleema-saarka Deni wuxuu ka caddeeyay in gogosha noqon mid ballaaran.

Wallow ifafaaladeeda aysan muuqan, balse haddii Madaxtooyadda Soomaaliya ay kusii socoto qorshaheeda meelmarinta habraaca dib-u-eegista Dastuurka, waxaa loo badinayaa in ay xoojin karo sii kala fogaanshiyaha.

Badi xubnaha lagu waddo in ay ka qeybgalaan shirweynahan ayaa waxa ay si adag uga soo horjeedaan habraaca ay ansixiyeen Labada Gole ee baarlamaanka federaalka waxaana haddii uu saxiixo Xasan Sheekh sii hurinaysaa xaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM