Macaashka koowaad ee Cuba ku helayso soo celinta xiriirka Soomaaliya

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay danjiraha cusub ee Cuba.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa todobaadkan waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed ee si buuxda daaqada uga baxay muddo haatan laga joogo 46 sano.

Xukuumadda Muqdisho ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dhigeeda Havana sanadkii 1977-kii xiligaasi oo uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dawladii Kuuba ee uu madaxda ka ahaa Fidel Castro waxa ay u soo dirtay kumanaan ka tirsan ciidamada Kuuba si ay u caawiyaan dawladda Itoobiya ee uu Midowgii Soofiyeeti taageerayey xilligii dagaalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Cuba aysan wadaagin xiriir dhaqan iyo mid juqraafi, balse waxa uu intaa ku daray in dalka uusan "isku-xir-xiri karin wixii horay u dhacay".

"Haddii ay (Cuba) noo soo direen safiir oo ay rabaan inay hagaajiyaan xiriirka nala dhexeeya waa faa'iido," ayuu yiri Cawad. "Uma maleynayo inay danteena ku jirto in aan dib u soo nooleyno cadaawadii hore".

Cawad oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa caddeeyay in Soomaaliya xiligan uu xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed la leeyahay labada dal ee Itoobiya iyo Ruushka.

Walaaca degdega ah ee Cuba ayaa laga yaabaa inuu ku guuleysto sii deynta labo dhaqtar oo u dhashay Cuba oo ay kooxda Al-Shabaab ka afduubatay waqooyiga Kenya bishii Abriil 2019.

Cawad ayaa sheegay in markii uu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladdii hore ee Soomaaliya uu wasiirka arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez Parrilla kala soo xiriiray labada qof ee la qafaashay.

"Waxaan u sheegi jiray inay bad qabaan, oo aan la dilin oo ay dhakhaatiir ahaan gu  shaqeeyaan kuwa gacanta ku haya," ayuu Cawad xusay isaga oo aan bixin wax fahfaahin dheeraad ah.

Cawad ayaa intaas waxa uu raaciyey in uu Cuba u sheegay in Soomaaliya ay "intii awoodeena ah" ay kaalin ka qaadan doonto sidii xorriyadda labadan dhakhtar loo heli lahaa.

Siyaasiga ayaa carabka ku adkeeyay in Al-shabaab aysan si rasmi ah wax dalab ah uga gudbin dhaqaatiirta. Kooxdan ayaa horay usii daysay ajaaniib ay afduub ahaan u haysteen kadib markii "ay qaateen lacago madaxfurasho ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM