Macallin Cismaan: Waa kuma horjoogaha "laga naafeeyay" Al-Shabaab?

Image
Cismaan Maxamed Cabdi, oo loo yaqaanay Macallin Cismaan, ayaa jagooyin sarre ka qabtey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa howlgallada dibadda ee Al-Shabaab ayaa ahaa bartilmaameedka duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka ka fuliyey Soomaaliya, sidda ay VOA-da u sheegeen labo illo wareedyo oo uu ku jiro sarkaal ka goostay Al-Shabaab.

Cumar Maxamed Abuu Ayaan oo horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab ayaa VOA u sheegay in bartilmaameedku ahaa taliyihii hore ee ciidamada milateriga Al-Shabaab, Cismaan Maxamed Cabdi, oo loo yaqaanay Macallin Cismaan.

Magaca Cismaan iyo jagadda uu hayo ayaa sidoo kale waxaa lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya war qoraal ah oo Talaadadii soo saartay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Macallin Cismaan uu qaabilsan yahay tashkiilinta iyo qorista dagaalameyaasha ajnabiga ah ee la soo geliyo Soomaaliya si ay u caawiyaan Al-Shabaab.

"Waxa uu u muuqdaa inuu ka badbaaday weerarka dhinaca cirka ah," ayuu afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika loona yaqaano AFRICOM ku sheegay war-saxaafadeed.

Timothy S. Pietrack ayaa waxa uu intaas ku daray: "Kadib qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay khasaaraha dagaalka, AFRICOM waxay go'aamiyeen in hal hoggaamiye oo Al-shabaab ah lagu dhaawacay howlgalka".

Duqeynta ayaa Sabtidii ka dhacday degmada Jilib, oo ay ku sugan yihiin xubnaha ugu sareeya Al-Shabaab isla markaana qiyaastii 385 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

“Qiimaynta billowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska AFRICOM.

Macalin Cismaan ayaa ah sarkaal rug cadaa ah oo Al-Shabaab kasoo qabtay xilal kala duwan oo uu ku jiro madaxii gaashaandhigga, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu ku lug lahaa qorsheynta weerarkii ay kooxda Al-Shabaab bishii January ee sanadkii 2016-kii ku qaadeen saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee maleeshiyaadka ay la beegsadaan ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, waana magaalada uu kasoo jeedo Macalin Cismaan, sida ay sheegeen laamaha amaanka Soomaaliya.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in dhimashada weerarka ay ka badan tahay 140-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, tiradaas oo aysan dowladda Kenya aysan wali xaqiijin. Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay saldhiga kadib weerarka.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in xilalka uu haatan hayo Macallin Cismaan uu ku jiro inuu abaabulo weerarrada Al-Shabaab ee Kenya, halkaasoo sannado badan ay kooxdu ka geysanaysay weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka, wuxuuna agaasime ka ahaa duullaankii fursadda ahaa ee Al-Shabaab ay ku qaadday bariga Itoobiya bishii July ee lasoo dhaafay.

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa waxay kusoo hagaagaysaa xilli agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, uu booqasho ku joogo Mareykanka gaar ahaan Washington iyo New York isla markaana ay ay casuumeen CIA-da iyo FBI-da.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM