Madaxda dowladda Soomaaliya oo ka aamusan weerarkii Pearl Beach

Image
Sidda laga soo xigtey booliska, illaa todoba dabley Al-Shabaab ah ayaa ka qeyb-qaadatay weerarkan dhiiga uu ku daatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 24-saac ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii dabley Al-Shabaab ah ay galeen Pearl Beach Hotel ee ku yaalla degmada Cabdicasiis gaar ahaan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarka oo galaaftey nolosha 9 qof - lix shacab ah iyo saddex askari, sidda uu sheegay taliska booliska Soomaaliya.

Balse, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtey in ay dileen 29 qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin dowladeed. Hase ahaatee, maleyshiyadda ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Su'aallo ayaa ka dhashay weerarkan maadaama goobta uu hotel-ka ku yaallo ay tahay mid ammaankeeda aad loo ilaaliyo isla markaana ay ku yaallaan safaaradaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.

Barta Facebook-ga ee Ciidamadda Booliska gaarka ah Haramcad ee ay tababartey Dowladda Turkiga ayaa lagu baahiyey sawir muujinaya ciidanka oo soo badbaadiyey ilmo yar oo waalidkeeda ay kala dhumeen.

Xaggee soo mareen dableyda iyo gaadiidkooda?

Pearl Beach oo ka kooban Hotel iyo Maqaayad ayaa ku taalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir gaar ahaan xeebta Liido. Baro kontaroolo tiro badan ayaa kasoo horeeya kahor inta aan la gaarin mehradahan.

Sidda laga soo xigtey booliska, illaa todoba dabley Al-Shabaab ah ayaa ka qeyb-qaadatay weerarkan. Su'aasha is-waydiinta mudan ayaa ah, xaggee ayay soo mareen maleyshiyaadkan iyo gaadiidkooda?

Xaruntan ganacsi oo ah mid dhowaan la furay ayaa waxay kamid tahay goobaha loo dalxiis tago maalmaha nasashada ee ku yaalla xeebta Liido waxaana waqti ku qaata dad rayid ah, mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Laamaha ammaanka ma hayeen xogta weerarka?

Weerarkan waa falkii saddexaad ee liddiga ku ah amniga ee illaa hadda bishan June, 2023 ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib qarax kale oo galaaftey afar askari kuna dhaawacmeen 8 ruux kale.

Saraakiil ka tirsan hay'adaha nabad-gelyadda ayaa xaqiijiyey in maalmihii lasoo dhaafay ay jirtey digniin dhinaca ammaanka isla markaana hoteelada xeebta Liido ay kamid ahayd goobaha bartilmaameedka ah.

"Balse waxa aan la saadaalin karin ayaa ahayd xilliga uu falka dhici doono," ayuu yiri mid kamid ah saraakiishan oo codsadey in aan la carabaabin. Dowladda federaalka wali kuma dhawaaqin in ay haysay xogta weerarkan.

Isla-xisaabtan maka dambeyn doonaa weerarkan?

Markii bishii August, 2022 ay dabley Al-Shabaab ah u daateen Hotel Xayaat, madaxda dowladda federaalka ayaa ku goodiyey in isla-xisaabtan uu ka dambeyn doono falkaas. Hase ahaatee, wali lama hayo cid loo ciqaabay.

Hotel Pearl Beach ayaa waxa uu noqonaya hotel-kii shanaad ee maleyshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah ku beegsadaan wixii ka dambeeyay 15-kii May, 2022-dii oo dib loo doortey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si lamid ah, waa weerarkii todobaad oo toos ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku galaan goobo isugu jira xarumo dowladeed iyo mehrado ganacsi guud ahaan magaalooyinka Soomaaliya kadib 15-kii May, 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM