Mareykanka oo soo farageliyay khilaafka dastuurka Soomaaliya

Image
Washington ayaa waxa ay soo bandhigtay fariin dharbaaxo ku ah damaca Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay inay kala hadashay xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya arrimaha la xiriira dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

War qoraal ah oo lagu daabacay xafiiska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in dhinacyadda ay ku booriyeen in geeddi-socodka dib-u-eegista lagu wajaho si wadar ogol ah oo daahfuran.

Tani ayaa imaanaysa xilli Villa Soomaaliya ay muujinayso dedaal ku aaddan in si degdeg ah loo socodsiiyo dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la kulmay madax sarre oo ka socotay Mareykanka.

Xubnaha oo la shiray ayaa kala ah; Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika Micheal Hammer iyo Amb. Shane Dixon oo ah Siihayaha Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

"Kulanka oo looga hadlayey xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dal ayaa inta uu shirka socday waxay isla soo qaadeen heshiis beenaadkii ay wada-galeen Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, ayuu Guddoomiyuhu tilmaamay in madax banaanida dhuleed iyo badeed ee dalka aan lagu soo xadgudbi karin, waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in Dowladda Mareykanka ay mowqif adag ka taagan tahay Ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya. Dhanka kale Mareykanka ayaa xusay in uu taageeraayo dhameystirka Dastuurka KMG ee Soomaaliya," ayuu yiri xafiiska Aadan Madoobe.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay  taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso  Soomaaliya, oo ay ugu horreyso arrimaha ammanka, dib u dhiska dalka, dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale boggaadiyay sida ay ula shaqeeyaan wadamadda beesha caalamka iyo taageerada Soomaaliya ay siiyaan, isagoona xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha".

Faragelinta xukuumadda Washington ee doodaha ka taagan dastuurka ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli si weyn looga cabsi qabo in haddii Madaxtooyadda ay qaab aan wadagadal ahayn ku meelmariso ay horseedi karto fowdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM