Mareykanka: Way soo noqotey 1/3 madax-banaanida Soomaaliya

Image
Danjiraha Ameerikaanka u fadhiya Muqdisho, Larry André, ayaa hadalkan u sheegay VOA Somali.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada ciidamada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay gacanta dowladda kusoo celiyeen saddex meelood meel dhulka ay haysteen maleyshiyaada.

"Gulufka ay Soomaalidu hormuudka ka tahay waxay dib ugu soo celiyeen madax bannaanida Soomaaliya 1/3 dhulkii ay horay u maamuli jireen al-Shabaab," ayuu Larry André ugu sheegay VOA Somali.

André oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "In la soo afjaro cadaawadda Al-shabaab waa tallaabo hor leh oo loo qaaday dib u soo kabashada buuxda ee Soomaaliya".

Tan iyo bishii Janaayo, Mareykanka ayaa hub ugu deeqay ciidamada qaranka Soomaaliya si ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah xoogaga xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu tababar u bilaabay cutub kamid ah kumaandooska Danab kuwaasoo la sheegay in ay kaalin hogaamin ku leeyihiin howlgaladda wajiga labaad galaya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan sheegtay in howlgalladan ciidanku ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

War qoraal ah oo ay soo saartay 25-kii bishii March ayay ku sheegtay in 3,000 oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalo ciidan intii u dhaxeysay bishii August ee sanadkii hore ilaa Janaayo 3,700 oo kalena lagu dhaawacay.

Wasaaradda warfaafintaa ayaa sidoo kale waxay sheegtay in 70 magaalo iyo tuulooyin laga saaray maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida. Wajiga labaad ee howlgaladda ayaa waxaa la filayaa in ay bilowdaan bilooyinka nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM