Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Image
Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa sanado badan waxa uu la talinayey oo gacan siinayey ciidamada sidda gaarka ah u tababaran Danab si ay ula dagaalamaan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiil Soomaali ah ayaa hore u sheegay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da in bartilmaameedka ciidamada Danab uu yahay in tiradooda ay gaarto 3,000 askari.

Bishii la soo dhaafay, ciidamada Danab ayaa ka qeyb galay dhoolatus militari oo uu horkacayo Mareykanka oo ka dhacay bariga Afrika halkaas oo cutubyo kumaandoos ah kasoo muuqdeen.

Bishii Feberaayo ee sanadkan, Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo lagu dhisayo illaa shan Saldhig oo Millateri oo loogu talagalay Guutada Danab.

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000-askari ee Danab si ay u noqdaan awooda mar walba si degdeg ah u u burburisa weeraradda Al-Shabaab.

Danab ayaa tan iyo sanadkii 2022 si weyn ugu lug lahaa guluf militari oo ay la qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleedyo is garabsanaya oo markii hore lagu guuleystay in Al Shabaab loogala wareego deegaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa laba jeer sannadkii hore siiyay ciidamada Danab hub ay ku jiraan qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo rasaasta si ay ugu adeegsadaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraakiisha Soomaalida ayaa tan iyo dabayaaqadii 2022-kii si aad ah u qorayay askar dheeraad ah si loo helo ciidamo ku filan oo kala wareega ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan dalka oo la filayo in dhamaadka sanadkan ay ka baxaan Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay saaxiibada caalamka kala xaajooneysaa in la helo ciidamo caalami ah si ay dalka uga sii shaqeeyaan sanad dheeri ah.

Sikastaba ha ahaatee, Washington ayaa hakisay qaar ka mid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay Soomaaliya 2017 ka dib markii milatarigu uu awoodi waayay inuu xisaabiyo cuntada iyo shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM