Nageeye Cali Khaliif oo kasoo muuqdey kaamirooyinka Al-Shabaab

Image
Wareysi dheer uu bixiyay ayuu uga faalloodey sababta uu ugu wareegay kooxda, heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland iyo arrimo kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Nageeye Cali Khaliif ayaa kasoo muuqdey kaamirooyinka Al-Shabaab kadib markii muddo ka badan 100 maalmood la isla-dhexmarayay inuu u wareegay dhanka xoogaga hubeysan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda ayuu kusoo bandhigay afkaartiisa, sababta uu ugu goostay iyo  arrimo kale oo ku saabsan xaalka Soomaaliya.

Su'aasha ku saabsan sababta uu kooxda ugu biiray ayuu ku muujiyay in ay salka ku hayso fikir taas oo meesha ka saareysa hadal-heyntii ahayd inuu arrimo dhaqaale iyo Siyaasada ugu biiray maleyshiyadda.

Ma sheegin goorta uu qaatay fekerkooda hase ahaatee wuxuu caddeeyay inuu tan iyo maalinkii uu yimid Xamar oo ahayd 2017 uu la dhacsanaa mitidiinta gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.  

Intii uu socday wareysiga oo lagu qaadey qol lagu xardhay maro madow, Nageeye ayaa si weyn u weeraray siyaasiyiinta Soomaalida isaga oo ku tilmaamay "kuwa isku haysta kaliya danahooda".

Soomaaliya ayuu ku qeexay "dal uu ka soconayo dagaal caalami ah" kaasoo u dhaxeeya "awoodaha aduunka oo isku haysta danahooda". Wuxu raaxiyay: "Hadda aan hadlayo diyaarad baa dusheyda wareegeysa waxayna ilaashaneysaa danteeda".

Mar wax laga waydiiyay heshiiska ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ayuu cambaareeyay balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaliisha siyaasiyiinta Soomaaliya ee heshiiskaas ay salka ku hayso "yaa qaadanaya dulaalka?"

Heshiiskaas ayay Itoobiya ku helaysaa deked iyo saldhig ciidan badeed oo ay ka hirgelinayso magaaladda Seylac ayna halkaas joogeyso muddo 50-sano ah.

Hogaanka Dowladda federaalka ayaa si weyn uga hor-yimid heshiiskaas waxaana ay ku qeexeen isku-day ay Addis Ababa ku dooneyso in ay kula wareegto qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.

Nageeye ayaa kamid ahaa bareyaasha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Baxsashadiisa waxay abuurtay isku-shaandheyn lagu sameeyay Kulliyadda Saxaafadda oo uu madax ka ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM