Nooca xayiraada hubka ku harsan Soomaaliya ee la doonayo in la qaado

Image
Sanadkii 2013, golaha ammaanka ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in qeyb ahaan laga qaado cunaqabateynta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah 1992-kii, kadib dagaal sokeeye iyo rabshado hogaamiyeed kooxeed.

Maadaama dalka uu leeyahay xeeb aan la ilaalin oo dhererkeedu ka badan yahay 3,000 kilomitir iyo xuduudo furan, waxay fursad u noqotey in ay hubka kala soo degaan kooxaha hubeysan.

Ka dib markii la dhisay dowlad ku meel gaar ah oo shaqeysa sanadkii 2012, dowladihii dalka soo maray waxay ku howlanaayeen dib u soo celinta xasiloonida, dowlad wanaaga iyo halbeegyada kale ee wax ka tari lahaa in dalka laga qafiifiyo cunaqabateynta hubka.

Sanadkii 2013, golaha ammaanka ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in qeyb ahaan laga qaado xayiraadii saarneyd in hubka laga iibiyo Soomaaliya muddo sanad ah.

Qaraarkan ayaa u ogolaanaya dowladda Soomaaliya in ay iibsato hubka fudud si ay uga caawiso ciidamadeeda ammaanka horumarinta iyo la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ah, balse waxa ay xayiraad saartay hubka culus.

Cunaqabateynta harsan oo ah in la codsado in hubka qaar la ansixiyo ayaa sanad walba la cusboonaysiiyaa, inkastoo dowladda ay diidan tahay ayna dooneyso in la qaado.

Muqdisho ayaa ku ololaynaysa in Al-Shabaab ay weli halis weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, loona baahan yahay in la cunaqabateeyo si loo wiiqo dhaqdhaqaaqooda.

Mawqifka dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid ay taageerayaan Itoobiya iyo Uganda, oo labaduba la kulmay weeraro uga imaanaya xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bilooyin ah waxay halgan ugu jirtaa in lasoo afmeero xayiraadda hubka si uu dalka u helo saanad ciidan oo uu kusoo gabagabeeyo jiritaanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM