Qadiyada Laascaaood oo soo afjartey "baalkii nabada Somaliland"

Image
Khuburada ayaa ka digaya in sii socoshadda dagaalka Laascaanood ay khatar ku tahay nabad-gelyadda Geeska Afrika.

HARGEYSA, Somaliland - Bilihii u dambeeyay, maamulka Somaliland oo markii hore lagu tirin jiray inay ka mid tahay gobollada Geeska Afrika ugu xasilloon uguna nabdoon, ayaa cagaha la galay qulqulatooyin.

Hase ahaatee, baalkaas ayaa soo laabmay ka gadaal markii maamulka awood u sheegtey kacdoon dadwayne. Colaadda ayaa horseeday dhimashada boqolaal qof iyo barakaca in ka badan 200,000 oo qof.

Dagaalo culus ayaa mar kale ka dhacay waqooyiga iyo galbeedka Laascaanood subaxnimadii Sabtida, iyadoo labada dhinacba midba midka kale ku eedeynayo inuu hurinayo iska horimaadyada.

Isku-dhacan ayaa imaanaya xilli uu jiro walaac isa soo taraya oo ku saabsan xasilloonida gobolka, suurtagalnimada rabshado kale, iyo saameynta adeegyada daryeelka caafimaadka ee shakhsiyaadka barokacay.

Sida ay sheegtay hay’adda UNICEF, colaadda socota Laascaanood waxay cakirtay adeegyadii caafimaadka, gaar ahaan xarunta caafimaadka ee Kalabeyd ee gobolka Sool.

Xaruntan oo 32 KM u jirta furinta dagaalka Laascaanood ayaa waxa ay adeegyo caafimaad oo muhiim ah u fidisaa haweenka iyo carruurta barakacayaasha ah.

Iyada oo markii horeba awood buuxda u lahayn ayna la halgamaysay gaabis dhanka sahayda, qalabka, iyo shaqaalaha oo kooban, xaruntu waxa ay miciin biday in ay isticmaasho teendho ka samaysan cooshado si loogu daweeyo bukaannada. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan ayaa weli ka tagay hoy la'aan inta ay sugayaan daawaynta.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Labada dhinac ayaa dhowr jeer ku fashilmay in ay heshiis uga gaaraan miiska wadaxaajoodka.

Khuburada ayaa ka digaya in sii socoshadda dagaalka Laascaanood ay khatar ku tahay nabad-gelyadda Geeska Afrika ayna fursad u abuureyso kooxaha argagixisadda ah.

Daneeyeyaasha caalamka oo uu ugu horeeyo Mareykanka ayaa dadaal ku bixinaya sidii loosoo afjari lahaa dagaalkan isla markaana xalka lagu gaari lahaa miiska wadaxaajoodka lagana fogaado qoriga caaradiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM