"Qawsaarka hore" ee dhextaalka u ah xasilooni darada Suudaan

Image
Maxamed Xamdaan Daghlo oo loo yaqaano Ximaydti ayaa hogaamiya xoogaga awooda badan ee RSF.

KHARTUUM, Suudaan - Maxamed Xamdaan Daghlo oo loo yaqaano Ximaydti ayaa kasoo jeeda gobolka Daarfuur ee dalka Sudan. Shaqadiisa asalka ah ayaa la sheegay in ay ahayd Qawsaarnimo.

Ximaydti ayaa ka shaqaysan jiray iibka hargaha iyo xoolaha nool oo uu u kala gudbin jiray Suudan iyo Liibya, sidda uu sheegay telefishinka S24. Mar ayuu sidoo kale soo noqdey geel-jire.

Kadib dhibaatooyin ay shuftada dhexda u gasha u geysteen ganacsatada, Ximaydti ayaa aas-aasay maleeshiyaad ilaaliya ganacsatada isaguna uu ku badbaadsado ganacsigiisa sida uu u dhigay.

Kaalintiisa colaaddii Daafuur

Maleeshiyaadkii uu abuuray ayaa loo adeegsaday colaaddii gobolka Daarfuur ee dalkaasi. Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in xasuuqaas ay ka dhasheen dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Madaxweynihii hore ee Sudan, General Cumar Xasan Al-Bashiir oo xukunka looga tuuray qaab afgembi ah, ayaa maleyshiyaadka adeegsaday kadib markii uu qareemayay dagaalameyaasha Ximaydti.

Sanadkii 2007 ayaa loo abuuray xoogaga haatan loo yaqaano Rapid Support Forces oo loo garan og-yahay RSF ama Dacm-sariic kuwaasoo ah askar aan rasmi ahayn balse leh awood aad u baaxad weyn.

Taageerida afgembigii 2018-kii

Milatariga Suudaan ayaa xilligaas diiday in lagu soo daro ciidamada cusub ee Ximaydti uu wato kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in aanay lahayn anshax askareed isla markaana ay yihiin hal qabiil oo kaliya.

Sanadkii 2018 kadib markii uu qarxay kacdoonka looga soo horjeedo madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Albashiir, Ximaydti ayaa iska diiday amar isbadal weyn abuuray oo uga yimid Al-Bashiir.

Amarkaas ayaa waxa uu ahaa in uu gacan bir ah ku qabto dibad-baxayaasha reer galbeedka gadaal ka riixayeen, isaga oo la saftay dadweynaha mudaaharaadyadda abaabulan dhigayay.

Xulafadiisa iyo ishiisa dhaqaale

Kadib markii uu meesha ka baxay nidaamka Al-Bashiir,  Maxamed Xamdaan Daghlo ayaa waxa uu noqdey madaxweyne xigeenka golaha madax-banaanida ee haya taladda waddankaas.

Walaalkiisa Cabdiraxiim Xamdaan Daghlo ayaa ku xigeen uga ah hogaanka sarre ee xoogaga RSF. Ka ganacsiga dahabka ayaa lagu waramay in ay kamid tahay meelaha ay dhaqaalaha ka sameeyaan.

Reer Galbeedka iyo qaar kamid ah dalalka Khaliijka ayaa la rumeysan yahay in ay taageeraan xoogaga RSF kuwaasoo milatariga ay isku-hayaan dhismaha dowlad rayid ah iyo ciidamadda ay sii taliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM