Qaylo-dhaan laga soo saarey "habacsanaanta" sirdoonka Soomaaliya

Image
Tan iyo markii ay bilowdeen doodaha dastuurka, kooxaha argagixisada ayaa fuliyey in ka badan 10 weerar toos ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoogag ka tirsan maleyshiyaadka Al Shabaab ayaa waxay Sabtidii todobaadkan ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku lee yihiin duleedka magaala madaxda Muqdisho.

Weerarkii oo ka dhacay saldhigga Busleey oo qiyaastii 17-KM dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha ilaa 7 askari iyo 10 ka tirsan Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa xeradaas.

Sarkaalka oo codsaday in aan magaciisa lasoo bandhigin maadaama aan loo ogoleyn inuu la hadlo warbaahinta ayaa waxa uu intaas ku daray in ay jirto waxyeelo dhaawacyo ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in 57 askari ay ku dileen weerarka. Kooxda xagjirka ah ayaa inta badan soo bandhigta tirooyinka khasaaraha oo ka badan kuwa ay dowladdu sii daysay. Sheegashadooda si madax banaan looma xaqiijin karo.

Cabdisalaam Guuleed, agaasime ku xigeenkii hore ee Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya oo bartiisa X (Twitter) uga falceliyey weerarkan, ayaa waxa uu su'aal ka keenay sidda hay'adda sirdoonka u weyday xogta weerarka.

"Weerarkii lagu qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho, ayaa muujinaya habacsanaan weyn oo dhanka sirdoonka ah. Sidee Al-Shabab u abaabuleen boqollaal dagaalameyaal ah oo baxsadey? Hadii Villa Somalia aysan sugi karin amaanka magaalada duleedkeeda sidee dalka u ilaalinayaan? Waa waqtigii hubinta dhabta ah," ayuu tibaaxay.

Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in madaxda dowladda federaalka ay u baahan yihiin in ay ku mashquulka arrimaha siyaasadda ku badalaan diirad saaritaanka u diyaar-garowga bixitaanka ATMIS.

"Iyadoo uu jiro musuq-maasuq iyo is-dhex-gal siyaasadeed, dowladda Soomaaliya waxay diiradda saartay dagaallada muhiimka ah. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u diyaargarowga amniga ATMIS kadib waa in mudnaanta la siiyaa. Nabadgelyada ummaddu waxay ku xidhan tahay hoggaanka dhabta ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Hogaanka dalka ayaa si weyn waxa uu ugu mashquulsan yahay arrimo siyaasadeed gaar ahaan sidii baarlamaanka u meelmarin lahaa wax loogu yeeray "Qabyo-tirka dastuurka dalka".

Al-Shabaab ayaa geysatay ku dhowaad 10 weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo ay la beegsatay xerooyin ciidan tan iyo markii ay bilowdeen xiisadaha siyaasadeed ee salka ku haya dhameystirka dastuurka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM