Qodobadda lala beegsadey isbedelka “Dastuurka cusub Soomaaliya”

Image
Wax ka badalkan khilaafka dhaliyay ayaa khuseeya afarta cutub ugu horeysa ee Dastuurka ku meelgaarka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya — Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay xaruntiisa Muqdisho waxa uu ku meelmariyey wax ka badalka Dastuurka ku meelgaarka ah wollow ay diidmo xoogan kala hortageen mucaaradka iyo Puntland.

Wax ka badalkan la ansixiyey ayaa khuseeya afarta cutub ugu horeysa ee Dastuurka ku meelgaarka ah. Tani ayaa ka dhigan in ay harsan yihiin 11 cutub kale kuwaas oo u baahnaan doona bilooyin kale dheeraad ah si loo qabyo-tiro.

Warbixintan ayaan ku eegi doonaa shan meelood oo isbedelo waaweyn lagu sameeyay afarta cutub ugu horeysa ee Dastuurka lagu muransan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Muddo xileedka madaxda federaalka

Wax ka badalkan cusub ayaa xeerinaya in muddo xileedka madaxda federaalka uu noqonayo shan sanadood halka uu markii hore ka ahaa afar sano. Tani ayaa ka dhigan in sanad dheeraad ah ay heli doonan hogaanka haatan xilka haya.

Dhimida awooda Ra’iisul Wasaaraha

“Madaxweynaha ayaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya,” ayuu xeerinayaa wax ka badalka Dastuurka cusub. Waxaa meesha laga saarey Madaxwayne iyo Madaxwayne Ku Xigeen.

Magaca cusub ee madaxda maamuladda

“Hogaamiye” iyo “Hogaamiye ku xigeen” ayuu ku badalayaa magaca ay haatan leeyihiin madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka. Waa farqi cusub oo aan horey u jirin.

Tirada Xisbiyada Siyaasadda heer Qaran

“Dalka waxa uu yeelan doonaa saddex xisbi siyaasadeed,” ayaa ku qoran wax ka badalkan. Waxaa meesha laga saarey soojeedintii ahayd labo kadib markii ay dureen mucaaradka. Balse wali dad ayaa ku doodaya in tiradda lasii badiyo.

Doorasho dadwayne oo aan la jadwaleyn

Wax ka badalka Dastuurka waxaa ku qoran in madaxweynaha federaalka uu ku imaan doono doorasho toos ah balse laguma caddeyn jadwalkeeda — maalin ama taariikh. Dad badan ayaa tuhunsan muddo kororsi lagu hoos qariyey.

Dhamaan qodobadan ayaa tuhunka ugu badan uu dulhogayaan sababo ku aadan in aan fahfaahin badan la raacin. Sikastaba, sidda uu ku dhaqan-galayo wax ka badalkan ayaa ah hal-xiraaha ugu weyn ee haatan horyaalka Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Samatabixinta Qaranka waa inuu masiirka dalka ku iibin miiska wadahadalka

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo…

  • Faalada Warka

    10-08-2025

  • 03:18AM

Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata…

  • Faalada Warka

    25-07-2025

  • 11:43AM