Sababta Garowe Online Ugu Magacaabey Madaxweynaha Puntland “Shaqsiga Sanadka”

Image

Mararka qaarkood, hal go’aan ayaa ka miisaan culus sanado hadal ah. Mararka qaarkoodna, hoggaan dhab ah waxa lagu gartaa waxa uu sameeyo marka ay khatar jirto, ee ma aha marka ay wax walba caadi yihiin.

Sanadkan, Garowe Online waxa ay go’aansatay in ay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, u aqoonsato Shaqsiga Sanadka. Go’aankan ma ahayn mid ku dhisan shakhsi, siyaasad xisbi, ama doodaha caadiga ah ee hoggaanka, balse waxa uu ka dhashay hal arrin oo cad: hoggaamintii uu u muujiyay dagaalkii tooska ahaa ee lala galay kooxda argagixisada Daacish—dagaalkaas oo si qoto dheer u saameeyay amniga, jihada, iyo mustaqbalka Puntland.

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa sannad ay Puntland wajahday mid ka mid ah halisihii ugu waaweynaa ee soo maray tan iyo aasaaskeeda. Daacish, oo muddo ku dhuumaaleysanaysay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa isku dayday in ay halkaas ka dhisto saldhig ay ka abaabusho falal argagixiso, kuna qabsato magaalooyinka istiraatiijiga ah ee gobolka Bari gaar ahaan Bosaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Diyaargarowga Dagaalka: Kahor Intaan Rasaastu Bilaaban

Dagaalka laguma gelin si degdeg ah ama dareen ku dhisan. Waxa ka horreeyay diyaar-garow muddo socday: abaabul iyo diyaarin ciidan, qiimeyn halis amni, iyo diyaarin maskaxeed oo loo sameeyay bulshada. Madaweynuhu Wuxuu gaarey go’aan ah in halista Daacish aan lagu koobi karin hadallo ama hawlgallo googo’an, balse loo baahan yahay weji ciidan oo buuxa.

Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Dharjaale—oo ay Daacish ku doonaysay in ay ku jebiso diyaargarowgaas—wuxuu noqday xadka u dhexeeya laba marxaladood: mid ay argagixisadu ku sii wadato qorshayaasheeda, iyo mid ay si furan ula kulantay awood ciidan oo abaabulan. Halkii uu weerarku wiiqi lahaa go’aanka Puntland, waxa uu dardar geliyay hawlgallada.

Calmiskaad: Dagaal Beddelay Isku-dheellitirkii Awoodda

Intii hawlgalladu socdeen, ciidamada Puntland waxay la wareegeen dhammaan saldhigyadii waaweynaa ee Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad, iyagoo meesha ka saaray cadaadiskii ay kooxdaasi ku hayeen shacabka, ganacsatada, iyo dhaq-dhaqaaqa nololeed ee gobolka Bari.

Markii Dagaalku Noqday Arrin Caalami ah

Dagaalka Puntland kula gashay Daacish ma uusan ku ekaan xuduudaha gudaha. Horumarka hawlgallada, baaxadda dhulka laga xoreeyay, iyo halista ay kooxdu ku haysay marinada ganacsiga iyo ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo jiitay indhaha caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Labadan dal ayaa door muuqda ka qaatay taageerada istiraatiijiga ah ee Puntland—taas oo isugu jirtay taageero sirdoon, farsamo, tababar, iyo isku-xir amni—si loo hubiyo in ciidamada Puntland ay awood u yeeshaan in si nidaamsan oo waara loo ciribtiro Daacish. Taageeradaas waxa ay ahayd mid ku timid xilli dagaalku galay marxalad go’aano adag loo baahan yahay in la qaato, isla markaana sare u qaaday kalsoonida iyo awoodda howlgalada.

Isku-xirkan amni ee Puntland la yeelatay saaxiibada caalamka waxa uu si cad u muujiyay in dagaalkaasi aanu ahayn mid gobol keliya quseeya, balse uu ahaa qodob amni oo heer caalami ah, taas oo Puntland ka dhigtay safka hore ee la-dagaallanka argagixisada Geeska Afrika.

Sababta Magacaabista

Sababta Garowe Online u magacawday Madaxweyne Deni Shaqsiga Sanadka waa mid kooban balse culus: wuxuu qaatay go’aan hoggaamineed xilli khatar jirto, wuxuuna u hufan u gutey mas’uuliyadiisa. Dagaalka Daacish ma ahayn hawlgal caadi ah; waxa uu ahaa imtixaan ku saabsan jiritaanka amniga Puntland iyo kalsoonida shacabka ee hoggaankooda.

Laakiin Shaqsiga Sanadka Ma Aha Shaqsi Wada Dhammeystay Shaqooyinka Horyaala

Si kastaba ha ahaatee, sida ay inta badan ku dhacd- hoggaamiyeyaasha la aqoonsado, magacaabistu ma ahan gunaanad, waa bilow bog cusub. Marka khatar amni la jebiyo, waxa iswaydiin mudan: sidee guushaas loogu beddeli karaa nidaam dimuqraadi ah oo dhammaystiran, hay’ado hufan, iyo dowlad si buuxda u shaqeysa?

Puntland weli waxay wajahaysaa caqabado la xiriira:

  • dhammaystirka nidaamka doorashooyinka,
  • hufnaanta hay’adaha dowliga ah,
  • maamul u dhiska deegaannada laga xoreeyay argagixisada,
  • iyo in guusha amniga loo rogo horumar dhaqaale iyo bulsho.

Magacaabista Shaqsiga Sanadka ma baabi’inayso su’aalahan; balse waxa keliya oo ay iftiiminaysaa xaqiiqda ah in hoggaan la qiimeeyo marka uu wax qabto—iyo in isla hoggaankaas laga sugayo inuu wax badan  dhiman qabto mudada uu xilka hayo. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ilhaan Omar Waa Inay Joojisaa Dagaalka Afka ah ee Ay La Waddo Donald Trump

Muddooyinkii u dambeeyay, muranka labada dhinac ayaa ka baxay xayndaabkii doodaha…

  • Faalada Warka

    28-11-2025

  • 04:34PM

Golaha Samatabixinta Qaranka waa inuu masiirka dalka ku iibin miiska wadahadalka

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo…

  • Faalada Warka

    10-08-2025

  • 03:18AM