Saddex fariin oo laga dhex-akhrisan karo xukuumada cusub ee Deni

Image
Magacaabidan ayaa waxa ay timid ku dhowaad 50 maalmood kadib dib-u-doorashadii 8-da Janaayo, 2024.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan waxa uu soo bandhigay liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland. Magacaabidan ayaa waxa ay timid ku dhowaad 50 maalmood kadib dib-u-doorashadiisa.

Xukuumadan cusub oo wadarteedu tahay 21 xubnood ayaa isugu jirta waji soo laabtey, kuwa cusub iyo qaar saaxada siyaasadda ka maqnaa dhowrkii sano lasoo dhaafay balse gaarey metelaad heerkeedu yahay mid federaal ah.

Liiska wasiir ku xigeenada iyo wasiiru-dowleyaasha ayaan wali si rasmi ah loosoo bandhigin. Tani waxa ay ka dhigan tahay in wali golaha la dhameystirin. Hadaba, warbixintan waxa aan ku eegi doonaa saddex fariin oo ay direyso magacaabidan.

Midnimo iyo Dhayida Boogaha

Doorashaddii soo dhamaatay 8-dii Janaayo, 2024 halis gelisay midnimada Puntland. Dagaal uu dhiig ku daatay ayaa ka dhacay meelo ay kamid tahay caasimada Garowe. Sidoo kale, waxaa hareeyay hurgumooyin siyaasadeed oo dib looga heshiiyay.

Balse, Deni ayaa u muuqda inuu doortey soo celinta midnimadaas luntay iyo dhayida boogahii soo ifbaxay marka loo eego xubnaha uu kusoo daray xukuumadda oo qaarkood ay kamid ahaayeen siyaasiyiintii aadka ula loolamay.

Waayo-arag iyo Waayo-soo-joog 

Saciid Deni ayaa soo xushay inuu golahiisa xukuumadda kusoo daro xubno ay horey uga wada mid ahaayeen goleyaasha federaalka. Tani waxay la macno tahay in madaxweynaha uu kalkan khibradda ka doortey qancinta shaqsiyaadka.

Golahan waayo-joog iyo waayo-arganimada huwan ayaa la filayaa in ay si ba’an u xambaari karaan aragtida Puntland gaar ahaan marka la joogo fagaareyaasha federaalka oo waqti-xaadirkan xiriirka kala dhaxeeya uusan hagaagsaneyn.

Metelaada buuxda ee haweenka 

Markii ugu horeysay taariikhda Puntland, saddex haween ah ayaa kasoo dhex-muuqdey Liiska Golaha Wasiiradda, waxaana dumarka markan ay madax ka noqdeen Wasaaradaha Gargaarka, Haweenka si lamid ah Dhalinyaradda.

Talaabadan ayaa muuqata in Deni ku muujinayo sidda ay uga go’an tahay metelaada haweenka oo ah qeyb kale oo muhiim u ah bulshadda maadaama Puntland horey loogu saluugay dhanka baarlamaanka oo hal xubin dumar ka tahay.

Sikastaba ha ahaatee, golahan cusub ayaa haysta fursadii ugu ballaarneyd maadaama aysan badankood ku hoos jirin kooxaha siyaasadda iska soo horjeeda balse kama marna caqabado la filan karo in ay uga imaan doonan dhanka federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM