Saddex su'aal oo jawaab u baahan kadib weerarka Hotel Pearl Beach

Image
Waa hotelkii shanaad oo kooxda Al-Shabaab ay beegsatay wixii ka dambeeyay 15-kii May, 2022-dii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa 10-saac kadib waxa ay soo gabagabeeyeen weerar toos ah oo dagaalameyaal Al-Shabaab ah ay fiidkii Jimcaha abaare 8:00 PM xilli Muqdisho ku galeen Hotel Pearl Beach.

Labo qarax loo maleynayo is-miidaamin ayaa marka hore la maqlay kahor inta aysan xigin rasaas xooggan oo la wariyay in ay ridayeen dableyda kuwaas oo warar horudhac ah tiradooda ku sheegeen saddex.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, tobban qof oo u badan dad shacab ah ayaa ku naf-waayay weerarka, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, sidda ay ku warameen saraakiil dhanka caafimaadka ah.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa aroornimadii Sabtida maanta ah waxay tabisay in ciidamadda ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyeen tobanaan qof oo ku go'doosanaa qaybaha kala duwan ee dhismaha.

Barta Facebook-ga ee Ciidamadda Booliska gaarka ah Haramcad ee ay tababartey Dowladda Turkiga ayaa lagu baahiyey sawir muujinaya ciidanka oo soo badbaadiyey ilmo yar oo waalidkeeda ay kala dhumeen.

Xaggee soo mareen dableyda iyo gaadiidkooda?

Pearl Beach oo ka kooban Hotel iyo Maqaayad ayaa ku taalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir gaar ahaan xeebta Liido. Baro kontaroolo tiro badan ayaa kasoo horeeya kahor inta aan la gaarin mehradahan.

Safaaradaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo ammaankooda si weyn loo ilaaliyo ayaa ku dhow meesha ay wax ka dhaceen waxaana ay kamid yihiin baraha kontarool ee loosoo maro si loo gaaro xeebta.

Xaruntan ganacsi oo ah mid dhowaan la furay ayaa waxay kamid tahay goobaha loo dalxiis tago maalmaha nasashada ee ku yaalla xeebta Liido waxaana waqti ku qaata dad rayid ah, mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Laamaha ammaanka ma hayeen xogta weerarka?

Weerarkan waa falkii saddexaad ee liddiga ku ah amniga ee illaa hadda bishan June, 2023 ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib qarax kale oo galaaftey afar askari kuna dhaawacmeen 8 ruux kale.

Saraakiil ka tirsan hay'adaha nabad-gelyadda ayaa xaqiijiyey in maalmihii lasoo dhaafay ay jirtey digniin dhinaca ammaanka isla markaana hoteelada xeebta Liido ay kamid ahayd goobaha bartilmaameedka ah.

"Balse waxa aan la saadaalin karin ayaa ahayd xilliga uu falka dhici doono," ayuu yiri mid kamid ah saraakiishan oo codsadey in aan la carabaabin. Dowladda federaalka wali kuma dhawaaqin in ay haysay xogta weerarkan.

Isla-xisaabtan maka dambeyn doonaa weerarkan?

Markii bishii August, 2022 ay dabley Al-Shabaab ah u daateen Hotel Xayaat, madaxda dowladda federaalka ayaa ku goodiyey in isla-xisaabtan uu ka dambeyn doono falkaas. Hase ahaatee, wali lama hayo cid loo ciqaabay.

Hotel Pearl Beach ayaa waxa uu noqonaya hotel-kii shanaad ee maleyshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah ku beegsadaan wixii ka dambeeyay 15-kii May, 2022-dii oo dib loo doortey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si lamid ah, waa weerarkii todobaad oo toos ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku galaan goobo isugu jira xarumo dowladeed iyo mehrado ganacsi guud ahaan magaalooyinka Soomaaliya kadib 15-kii May, 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM