Saddexda aragti ee xeeran bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya

Image
Cutubyada howlgalka Midowga Afrika ayaa qorshuhu yahay in ay hayaamaan December, 2024-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khubarada dhanka ammaanka ayaa ka digaya in ka bixitaanka degdega ah ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ay horseedi karto burbur degdeg ah oo ku yimaada dowladda Soomaaliya, si la mid ah wixii ka dhacday Afgaanistaan ​​markii ciidamada Mareykanka ay baxeen August 2021-ka.

"Ciidanka Soomaaliyeed waxaa dhiirageliyey maleeshiyo beeleedyo ka soo horjeeda Al-Shabaab, iyo sidoo kale taageero ciidan oo Ajaanib ah, hadda waxaa muuqata in bixitaanka ATMIS-ka ay ku dhiirigelineyso Al-Shabaab in ay is-abaabulaan oo ay weeraro gaadmo ah ku qaadaan dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Col. C/llaahi Cali Macow oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay.

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan, ayaa sheegay inay u maleynayaan in mintidiinta ay ku jiraan xaalad hoos u dhac ah, isla-markaana aanay khatar gelin karin Dowladda Soomaaliya, marka ay dalka ka baxaan Ciidamada Afrikaanka ah.

Fursadaas maba jirto

"Waxaan qabaa in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka aysan ku heshiin karin in ciidamadda ATMIS-ka dib loogu celiyo dalalkooda, iyadoo aan la dejin qorshe istiraatiji ah oo deg deg ah,” ayuu yiri Cismaan.

Waxa uu intaas ku daray: "Waxaan rumeysanahay in dalalka deeqaha bixiya iyo Qaramada Midoobay ay ku toosin doonaan dhaqaalaha ATMIS-ka loogu talagalay ciidamada Qaranka Soomaaliya. Ma jirto fursad ay Al-Shabaab isku soo taagi karto heer ay khatar ku tahay jiritaanka hay’adaha dowladda Soomaaliya".

Cumar Cabdi Jimcaale waa bare culuumta siyaasadda ka dhiga Muqdisho, kana faallooda arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in taageero dhab ah oo caalami ah la siiyo Soomaaliya, in Ciidanka Qaranka ee dalka uu qaadi karo culeyska iyo mas’uuliyadda amniga.

Feejignaan dheeraad ah

"Waxaan xasuusannahay sida deg-degga ah ee Taalibaan ay ula wareegtay talada dalka Afgaanistaan, waxaana la yaabay caalamka, waxaan u arkaa in arrinta Soomaaliya ay ka duwan tahay," ayuu yiri Jimcaale.

Waxa uu intaas ku daray: "Haddii cunaqabateynta laga qaado oo ciidamada Soomaaliya loo qalabeeyo, waxaan aaminsanahay inay wax badan isbedeli doonan. Maqaam wanaagsan ayay gaarayaan marka loo eego ciidamadda kale ee la tacaalaya Al-Shabaab iyo guud ahaan amniga dalka".

"Meesha kama saari karo in Soomaaliya ay ka dhici karaan wax aan la fileyn, haddii aysan beesha caalamku si buuxda u taageerin ciidanka Soomaaliyeed dhanka mushaaraadka iyo hubka," ayuu xusay.

Xagal-daacinta guulaha

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow ayaa tibaaxay in Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay si dhab ah u buuxinayaan Soomaaliya, ka bixitaankoodana ay wax u dhimi karto guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhanka ammaanka.

"Ciidamada Midowga Afrika waxay ilaalinayeen madaxda Soomaaliya iyo ilaha dhaqaalaha, sida dekedaha iyo garoomada diyaaradaha, ilaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka adkaadaan in ay iskood uga hortagaan kooxda argagixisada ah, waxaan qabaa in ATMIS ay isaga baxdo iyadoo aan la hubin in Soomaaliya ay diyaar u tahay," ayuu xusay.

Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas sii raaciyey: "Waxay fursad siin kartaa Al-Shabaab, waxayna ka dhigi doontaa dadaallo, naf-hurid, iyo khasaaraha nafeed iyo midka maadiga ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada". ATMIS ayaa qorshuhu yahay in ay soo gabagabeyso joogitaankooda dalka 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM