Soomaaliya oo ku hungowdey damac ay u bixisay qaaraankii IGAD

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waramay in uu gadaal ka riixayo qorshahan.

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay bixisay qaaraankii urur goboleedka IGAD tan iyo 1988-dii. Lacagtan ayaa wadar ahaan waxay gaareysaa $500-kun oo doolarka Mareykanka ah.

Sidda ay wararka sheegayaan, bixinta dhaqaalahan ayaa qeyb ka ah olole ay Madaxtooyadda Soomaaliya ku dooneyso in isbedel loogu sameeyo hogaanka sarre ee IGAD gaar ahaan in lasoo kordhiyo jagada ku xigeenka xoghayaha fullinta ee ururkan.

"Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo geed-fadhi u ah qorshahan ayaa doonaya in uu xilkan ku fadhiiso ergaygiisa Maxamed Cabdi Waare, madaxwaynihii hore ee HirShabelle,” ayuu yiri mas’uul sarre oo ka tirsan IGAD oo ka qeybgalay shirka,kaas oo sababo ku aadan in xasaasiyada kiiskan uga gaabsadey magaciisa.

Waare ayaa haatan waxa uu ku magacaaban yahay ergayga Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha xasilinta. Bilooyinkii ugu dambeysay waxa uu booqashooyin ku tagay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyadda.

"Qadiyaddan ayaa lagu soo qaadey shir madaxeedkii ay madaxda IGAD ku yeesheen Jabuuti intii u dhaxeysay June, 12 illaa June, 13," ayuu ku daray lataliyaha. "Madaxwayneyaasha IGAD waa ansixiyeen qorshaha Soomaaliya balse waxaa dib-u-dhigay xoghayaha urur goboleedka ".

Workneh Gebeyeh, oo ah xoghayaha ururka IGAD, ayaa, sidda ay caddeeyeen illo wareedyadda, waxa uu arrinta Soomaaliya ee ay ansixiyeen heer madaxweyne ka reebay war murtiyeedka, halka muddo kordhinta ay u sameeyeen isaga islamadaxweynayaasha IGAD uu kusoo daray war mutyiyeedka.

Bayaanka ayuu ku sheegay in jagada la siiyay Soomaaliya looga sii hadli doona kullamada heer wasiir isla markaana halkaas go'aan looga qaadan doono, taas oo la rumeysan yahay in Soomaaliya ay weji gabax ku tahay, maadaama loo arko in qorshe ay isla meel dhigeen Madaxweynayaasha uu su’aal geliyay.

"Waxaa iswaydiin mudan sababta heer wasiir loogu baahdey iyadda oo madaxwayneyaasha ay meelmariyeen,” ayuu raaciyay mas’uulka. “Ma waxay ka tahay in uu khatar u arko in Soomaaliya ay ku xigeenka hesho ama uu yasayo".

Dadka qaar oo la hadlay GO ayaa arrinkan ku tilmaamay bahdil ka dhan ah Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ku doodayaan in haddii Dowladda Soomaaliya arrinkan ay wax ka qaban weydo ay adkaan doonto in gallaan siyaasadeed iyo mid diblomasiyadeed ay ku yeelayo IGAD.

Warkenneh ayaa lagu waramay in horey loogu diiday shaqo Qaramada Midoobay laga siiyay oo ahayd xafiiska UN-ka ee Nairobi kadib markii lagu eedeeyay gaboodfallo ka dhan xuquuqda aadanaha xiligii uu ahaa taliyaha booliska ee Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku xaqiijiyey in Muqdisho ay raadineyso xilka ku xigeenka IGAD hase ahaatee waxa uu qariyay waji-gaxa.

Tan iyo markii dib loo doortey 15–kii May, 2022, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo baxay siyaasad caaboon uu ku doonayo in uu galaangal kula yeesho dalalka gobolka Geeska Afrika si uu hoos ugu dhigo suurtagalnimada faragelin ay ku sameeyaan arrimaha gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM