Su'aalaha siyaasadeed ee ku wareegsan xayiraada hubka Soomaaliya

Image
Maamulka Xasan Sheekh ayaa wadda olole uu ku doonayo in uu kusoo gabagabeeyo cunaqabateyntan.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku booriyay in cunaqabateynta hubka laga qaado shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan hadda ka soo bixin ujeedadii laga lahaa.

Samiira Gaid oo ah falanqeeye madax banaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa VOA u sheegtay in qaadista cunaqabateynta hubka ay aad uga sii daran tahay xilligan, maadaama Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto maleeshiyada Al-Shabaab.

“Dalku wuxuu dagaal kula jiraa koox argagaxiso ah. Waxa uu u baahan yahay wax kasta oo awood ah oo uu ku gaari karo in lagu wiiqo kooxdan," ayay tiri.

Laakin Gaid waxa ay sheegtay in golaha amaanka aysan u badneyn in dhawaan qaado cunaqabateynta. Waxay ku doodday in haddii aan la samayn khariidad cad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo golaha, in cunaqabatayntu ay sii jiri doonto in muddo ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga hortagi karaan racfaanka laga qaadanayo cunaqabateynta hubka.

Ismaaciil Cumar Dalmar, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Linking Governance, oo ah hay'ad la-talin dhanka siyaasadda ah oo Muqdisho ku sugan, ayaa sheegay in inkastoo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay rabitaan siyaasadeed, haddana khilaafka siyaasadeed, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, uu wiiqi karo codsigii madaxweynaha ee Golaha Ammaanka.

Goluhu wuxuu cunaqabateynta kusoo rogay Soomaaliya 1992-kii kadib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee xigay.

Bishii Maarso 2013, goluhu, isagoo adeegsanaya Qaraarka 2093, wuxuu dabciyay cunaqabateynta si loogu oggolaado dowladda Soomaaliya inay hesho nooc gaar ah oo hub ah oo loogu talagalay horumarinta ciidamadeeda amniga iyo ilaalinta muwaadiniinteeda.

Cunaqabatayntan oo hadda gashay tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu tilmaamay inay tahay xayiraaddii hubka ee ugu dheerayd ee soo marta Golaha Ammaanka. Ka qaadista Soomaaliya waxay guul u tahay dowladda balse waa u dharbaaxo maleyshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM