Tuhun ka dhashay go’aanada Soomaaliya ku wajahayso “gardarada Itoobiya“

Image
Abiy Axmed ayaa muujiyay in uusan jirin wax uu u turayo halka Xasan Sheekh ay is-khilaafayaan ficilkiisa iyo hadalkiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika ayaa sheegay in uu mar kasta, diyaar u yahay wada hadalka labada dal — Soomaaliya iyo Itoobiya — ayna markhaati uga yihiin Madaxda dalalka IGAD, gaar ahaana Madaxweynaha Jabuuti oo uu ku tilmaamay "walaalka weyn" Ismaaciil Geelle.

Saxiixii heshiis-beenaadka buuqa dhaliyay kadib ayuu Abiy tibaaxay in uu dadaalgaliyey, in ay wada hadlaan labada dal, uuna telefoon u diray Xassan Sheekh Maxamuud, balse ka socon weyday dhinaca Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ay Itoobiya u aragto Soomaaliya dal deris ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qiray markii ugu horeysay Boqolaal kamid ah ciidamada Itoobiya ay tageen, oo ay joogaan qeyb kamid ah gobalada Waqooyi ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu caddeeyay in saraakiil sare ay joogaan Hargeysa "si ay qeyb uga noqdaan ficilada, halista ku ah Amniga Qaranka Soomaaliya, iyagoo yoolkoodu yahay ku xadgudubka madax banaanida Soomaaliya".

Todobaadyo kahor ayay ahayd markii ay soo baxeen in dawladda Itoobiya ay kumanaan askar u daabushay gudaha Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Xeebaha iyo Hargeysa oo ay geysay ciidan xoojin ah oo sababtooda lagu sheegay amni sugidda danaha Itoobiya.

Labada hogaamiye ayaa hadaladan ka sheegay xarunta Midowga Afrika maalinkii shalay ahayd halkaas oo wafdiga Soomaaliya loogu geystay bahdil diblumaasiyadeed markii Itoobiya ay isku-day in ay ka hor-istaagto ka qeybgalka kulanka.

Falanqeeyeyaasha ayaa su’aal ka keenay jawaabaha dabacsan ee maamulka Xasa Sheekh ka bixinayo ficilada taliska Abiy ee ka dhanka ah madax-banaanida Soomaaliya.

"Marka la eego hab dhaqaaq diblumaasiyada Soomaaliya ay kuwajahayso arrinta xadgudubka  Itoobiya kula kacayso iyo jawaabaha Dawladdu, waxay u kala duwan yihiin si lamid ah waaga-barigiisa iyo qorax dhaca ay yihiin oo kale," ayuu yiri Maxamed Nuur Faarax, oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika.

Qaar kale ayaa waxa ay tuhunsan yihiin in Dowladda Soomaaliya oo aan lahayn dhowr bilood wasiir arrimo dibadeed aysan u madax-banaaneyn go’aanka ay ka qaadaneyso qaddiyadan.

“Dawladda Soomaaliya, ma daacad ayaysan aheyn mise go’aanada cid kale ayaa u gaareyda oo ay amar ka sugaysaa, ilaa hadda waa lala yaaban yahay, In Madaxdii Qaranku u hadlayaan si sare, go’aanada looga warwareegayo si ba’an," ayuu tibaaxay Faarax Nuur Cabdic oo bartay Xiriirka Caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM