Villa Soomaaliya iyo Qorshihii Kala-Goynta Puntland: Dhabar-Jabkii Ka Yimid Sanaag iyo Haylaan

Image

FAALO | Villa Somalia ayaa wajahday dhabar-jab siyaasadeed, kadib markii uu fashil ku yimid qorshe ay ku dooneysay in gobollada Sanaag iyo Haylaan laga gooyo Puntland, laguna daro maamulka cusub ee la yiraahdo SSC-Khaatumo.

Tan iyo markii laga saaray ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, shacabka gobollada Sool iyo Cayn waxay bilaabeen dadaal ay ku doonayaan iney sameystaan maamul u gaar ah oo ka madax bannaan Puntland. Garaadada dhaqanka ee gobolladaas (Sool & Cayn) ayaa go’aamiyey in si ku-meel-gaar ah loo dhiso maamul loogu magac daray SSC-Khaatumo, iyadoo gole ka socda qabaa’ilka soo doorteen hogaamiye iyo ku-xigeen.

Dowladda Puntland, oo shacabkaeedu si hagar la’aan ah u garab istaageen dadka daga gobolladaas, gaar ahaan xilligii ay dagaalka kula jireen Somaliland, ayaa aqbashay iney taageerto wax walba oo dadka degaanadaas daga go’aansadaan kuwaas oo horey uga mid ahaa Puntland.

Inkasta oo maamulka SSC uu taageero ka helay Puntland, haddana markii dambe wuxuu bilaabay inuu aqoonsi ka raadiyo dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Tani waxay dhalisay in kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) lagu taageero maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha loo xilsaaray qaban-qaabada shirweyne lagu dhisayo maamul buuxa.

Kulankaas NCC waxaa ka maqnaa Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo horey u diidey qorshaha Villa Somalia ku hogaamineyso dalka. Ka maqnaanshahooda ayaa sidoo kale dadka siyaasadda la socda aaminsan yihiin iney dada-jisey aqoonsiga Villa Somalia ee SSC.

Ra’iisul Wasaaraha Federaalka, oo hoggaaminayey qorshaha shirweynaha SSC, ayaa magacaabay guddi ka socda Muqdisho si ay u qabtaan shirweyne lagu dhisayo maamulka cusub. Waxaa sidoo kale la arkay Villa Somalia oo taageero siyaasadeed iyo dhaqaale siinaysa siyaasiyiin ka soo jeeda Sanaag iyo Haylaan, si ay uga keenaan ergooyin taageera SSC.

Cabdirashid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, oo hadda xildhibaan ka ah Aqalka Wakiillada, ayaa safar ku tagay gobolka Sanaag isagoo wata awoodii xildhibaanimo ee Puntland. Waxa uu isku dayey inuu kulamo ka abaabulo deegaanka Ceelbuh, balse waxaa tallaabadiisa si adag u hor istaagtay dowladda Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga Federaalka iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobolka Haylaan iyo Sanaag ayaa socdaal ku yimid Laascaanood, si haddii qorshaha Cabdirashid guuleysto, u tagaan gobolladaas.

Maxaa jebiyey qorshaha Villa Somalia?

Qorshihii Villa Somalia waxaa si cad u jebiyey mowqifkii ay qaateen Issimada dhaqanka ee gobollada Sanaag iyo Haylaan. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo hormuud u ah Issimadaas ayaa Facebook-giisa dib ugu soo qoray war-murtiyeed ay horey u soo saareen, kuna caddeeyeen in aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha Laascaanood, islamarkaana deegaannadoodu ay yihiin kuwo ka tirsan Puntland.

Qorshaha Villa Somalia iyo siyaasiyiinta Muqdisho wuxuu lahaa laba ujeedo:

  1. In Villa Somalia wiiqdo awoodda Puntland, iyadoo u maraysa dhismaha maamul cusub oo ka kooban gobolladaas.
  2. In siyaasiyiinta deegaankaasi helaan maamul u soo magacaaba xildhibaano u matala Barlamanka dowladda Federaalka ee soo socota (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare).

Maxaa la filayaa?

Kadib dhabar-jabkan, su’aasha taagan ayaa ah: Ma la filayaa in Issimada gobollada Sool iyo Cayn ay iyaguna soo saaraan war cadeynaya cidda matalaysa maamulka SSC-Khaatumo? Mise dowladda Federaalka waxay sii wadi doontaa qorshaheedii qar iska xoorka ahaa kaasoo dad badan ku tilmaameen inuu u ekaa jabkii kaga dhacay Raas-Kambooni?

Sida muuqata, dhabar-jabkan ayaa si weyn u wiiqay qorshihii Villa Somalia ee ku wajahnaa ballaarinta maamulka SSC, isagoo sidoo kale caddeynaya sida ay muhiim u tahay ka go’naanta shacabka iyo dhaqanka gobollada Puntland ee ka dhanka ah faragelinta siyaasadeed ee aan waafaqsaneyn dastuurka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM