Walbahaarka aan horey u jirin ee soo food-saarey howlgalka ATMIS

Image
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa tibaaxay in ay jiraan calaamado muujinaya in ay fulin waayaan qorsheyaasha horyaalla.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa wajahaya cabsi hor leh oo ku saabsan inay dib-uga-dhacaan hadaf-yadda muhiimka ahaa ee sababta u ahaa in beesha caalamku dib u cusboonayso joogitaankooda Soomaaliya, sidda laga soo xigtey The East African.

Todobaadkan, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa tibaaxay in ay jiraan calaamado muujinaya in ay fulin waayaan qorsheyaasha horyaalla.

"Inkasta oo ATMIS ay door fiican ka cayaareyso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana waxaa jira gaabis," ayay AUPSC ku sheegeen war qoraal ah oo ay saxaafadda la wadaageen.

Golahan ay 15-ka dal xubinta ka yihiin xubnood ayaa caddeeyay in dhaqaale yari ay u badan tahay in ay wiiqaan qorshaha howlgalka, oo ah arrin khatar ku ah ciidamada amniga ee Soomaaliya.

"Goluhu wuxuu muujinayaa welwelka qoto dheer ee ku saabsan in aan wali la hayn wax taageero maaliyadeed ah lana saadaalin karin waqtiga ay imaaneyso," ayaa la raaciyey bayaanka.

War-murtiyeedka ayaa waxa uu kasoo baxay shirkii 1143-aad ee golahu ku yeeshay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa 7-dii Maarso balse bayaankiisa la faafiyey todobaadkan gudahiisa.

AUPSC waxay sheegtay inay weydiisanayso, mar kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inuu qabto "kulan gaar ah oo ku saabsan in la caddeeyo waqtiga ay imaaneyso taageerada maaliyadeed ee ATMIS.

Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tixgaliyaan codsigan sannadkii lasoo dhaafay 2022-dii gaar ahaan bishii May.

AU-da ayaa sidoo kale waxay caddeysay sii wadida howlgaladda ATMIS ay tahay in ay "la socdaan istaraatiijiyado iyo ficilo la taaban karo si loo xafido meelaha cusub ee la xoreeyey".

Midowga Yurub oo horey u bixin jiray lacagta ATMIS ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga baahan tahay beesha caalamka wax badan oo dhanka dhaqaalaha ah, tababaridda ciidamada ammaanka iyo taageerada dib u habeynta awood qeybsiga gudaha, si loogu diyaar-garoobo marxaladda kala guurka oo ah December, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM