Warsame Cabdi Xasan: Geeljirihii ganacsatada u baadi jiray ISIL-Somalia

Image
Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah ku xukuntey 15-sano xabsi ciidan ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxay 15-sano xarig ah ku xukuntey Warsame Cabdi Xasan Aadan, 37-jir ka tirsanaa garabka ISIL ee Soomaaliya.

Aadan oo kasoo dhex-muuqdey muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa qirtay in uu suuqa bakaaraha ee Muqdisho ku handadi jiray ganacsatada diida bixinta lacagaha baadda ah.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay labo muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV kuwaasoo muujinaya Aadan oo afka xiran isla markaana dhowr xabad ku dhex-ridaya mehrado ganacsi.

Muuqaalka koowaad ayaa ku taariikheysan 24-ka bishii 7aad ee sanadkii hore 2022 halka muuqaalka labaad uu ku taariikheysan yahay 10-ka bishii 10aad ee isla xagaagii aynu kasoo gudubney.

Lama ogga haddii mulkiileyaasha mehradahan ama macaamiishooda ay waxyeelo kasoo gaartey rasaasta uu bastoolada nooca loo yaqaano Biljimka uu ka riday xukunsanaha haysta fursad rafcaan qaadasho ah.

Waa kuma Warsame Cabdi Xasan Aadan?

Bartamihii 2020-kii ayuu ka safray baadiyaha Buulo-xaabo ee gobolka Gedo isaga oo u jarmaadey degaanada buuraleyda ah ee Puntland halkaasoo uu kaga biiray kooxda Daacishta faraca Soomaaliya.

"Dhowr muxaadaro muuqaalo aan YouTube-ka ka daawaday oo ah Baqdaadi [hogaamiyihii la dilay ee Daacish] ayaa igu dhiirageliyey in aan ku biiro kooxda," ayuu Aadan ku sheegay cajaladda laga duubay.

Horaanta sanadkii 2022-kii ayaa loosoo diray magaalada Muqdisho si uu qeyb uga noqdo ololaha ay kooxda isugu fidineyso Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay isku-hayaan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

"Aniga waxaan soo noqdey geeljire waxaana isaga soo kala gudbay Mandhera [Kenya] iyo Kilinka Shanaad [Itoobiya] aniga oo naq u raadinaya xoolaha," ayuu hadalkiisa raaciyey

Sida laga soo xigtey warbixinta, laamaha ammaanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan bishii October, 2022 kadib markii uu dhowr xabado ka dhex-riday dukaan ku yaala suuqa weyn ee bakaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM