Wasiirnimadda Maxamed Faroole: Sarre-u-kac mise Hoos-u-dhac?

Image
Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay magacaabida Wasiirka cusub ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

GAROWE, Puntland – Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa la wareegaya liijaanka Wasaaradda Degaanka iyo Isbadalka Cimiladda Puntland kadib markii Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ku daray liiska Golaha Xukuumadda cusub.

Agaasimihii ugu horreeyay ee ciidamada Badda Puntland (PMPF) – 2009-kii illaa 2014-kii – ayaa magacaabidiisa ay hadal-heyn badan ay ka abuurtey baraha bulshadda tan iyo markii lasoo dhisay Wasiiradda cusub todobaadkii hore.

Maxamed oo tacliinta heerka koowaad iyo labaad ka kala baxay kuliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya) iyo Jaamacadda La Trobe (Australia) ayaa sidoo kale la taliye usoo noqday Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaake.

Xudunta hadalheynta bulshada

Falcelinta oo ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ku saabsaneyd hadalada uu jeediyay intii uu socdey ololaha doorashada madaxtinimada Puntland taas oo ah suno dabiici ah qeynba ka ah xarig-jiidka siyaasadda.

Bar bilowgii ololaha, Maxamed ayaa si weyn ugu ololeeyay in doorashadda 8-da Janaayo, 2024 ay noqoto tan 66-da Xildhibaan, isaga oo ku guuleystay in dib loo dhigo qof iyo cod sababo ku aadan in ay jireen qaladaad saxid u baahan.

Marka bar dhamaadka la isla yimid, Maxamed iyo xisbigiisa Horseed oo dhibco sarre ka keenay doorashadii goleyaasha degaanka ayaa taageeray in madaxtinimada Puntland aysan gacmaha u gelin “kooxo dano shisheeye u adeegaya”.

Sarre-u-kac mise Hoos-u-dhac?

Heer-kulka aduunka – qabow iyo kuleyl – ayaa isbedel uu ku yimid, waxaana tani ay saameysay nolol-maal-meedka bini’aadamka. Tani waxa ay sababtay in dowladaha caalamka ay ka dhigtaan ajendaha ugu horeeya qorsheyaashooda.

Soomaaliya ayaa labo sano kahor waxa ay markii ugu horeysay yeelatay Wasaarad gaar u ah mawduucaan halka Puntland ay kahor jirtay maadaama ay kamid tahay degaanadda ay saameynta ugu ballaaran ay ka taagan tahay.

Magacaabida Maxamed Cabdiraxmaan Faroole loo xushay inuu doorkan hogaamiyo Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa ka dhigan inuu la wareegayo waajibaad culus isaga oo ah waji ku cusub Hay’adda Fulinta Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM