Weeraradii ugu geerida badnaa ee ay la kulmeen ciidanka ATMIS

Image
Inkasta oo howlgalka uusan baahin khasaaraha, haddana illo amni reer galbeed ah, ayaa dusiya xogta waxyeelada.

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 54 askari looga dilay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey xerada ciidamada dalkiisa ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose 26-kii May, 2023.

"Waxaan helnay meydadka 54 askari oo geeriyoodey, oo uu ku jiro hal taliye," ayuu Museveni ku yiri qoraal dheer oo uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka goor dambe oo Sabtidii ah.

Weerarka ayaa iftiimiyey dhibaatooyinka amni ee baahsan ee ka jira dalka ku yaalla Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya sidii uu uga soo bixi lahaa tobanaan sano oo colaado iyo masiibo dabiici ah.

Gulufkan ayaa sidoo kale waxa uu ku biiray liiska weeraradii ugu xummaa ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay la beegsadaan ciidamadda nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Bishii Maajo 2022, dableyda ayaa weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, waxaana ay bilaabeen dagaal xooggan oo ay ku dileen ku dhawaad ​​30 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Burundi, sida uu AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo qoraalo kala duwan soo saarey xilligaas ayaa cambaareeyay weerarka, iyadoo aan la shaacin tirada dadka ku dhintay.

Bishii Sebtembar 2015, ugu yaraan 50 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa laga soo xigtay ilo milateri oo reer galbeed ah inay dhinteen markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ciidanka ATMIS-ka oo ka kooban 20,000 oo xubnood ayaa inta illaa haatan la diiwaan-geliyey waxay la kulmayaan weeraro ka badan kahor inta aysan kasoo guurin magaca AMISOM.

Cutubyada milatari ee ka tirsan taliskan ayaa waxay kasoo kala jeedaan dalalka; Uganda, Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo ciidamadoodu ay joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hadafka laga leeyahay howlgalkan ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu yahay in ciidamada iyo booliiska Soomaaliya lagu wareejiyo mas'uuliyadda amniga sanadka 2024-ka.

Warbixin uu u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii February, ayuu madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku sheegay in sanadka 2022 uu yahay sanadkii ugu dhimashada badnaa ee soo gaara dadka rayidka ah ee Soomaaliya tan iyo 2017-kii, taasoo inta badan ka dhalatay weeraradda kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM