Xamse Barre oo dabciyay hadalada adag ee ka dhanka ah Itoobiya

Image
Tani ayaa kusoo hagaagaysa xilli uu jiro guux ku saabsan dadaalo la isugu soo dhaweynayo Muqdisho iyo Addis Ababa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa dabciyey hadaladiisa adag ee ka dhanka ah Itoobiya kadib heshiis-beenaadkii ay la gashay maamulka gooni-isu-taaga ah ee Somaliland.

Xamse oo shalay ka hadlay xiritaanka Madasha Aragti-wadaagga Machadka Heritage ayaa hoos-u-dhigay erayada adag ee uu horey hawada ugu mariyay maamulka Abiy Axmed. 

"Waxaan isku daynay in aan dhinaceena is-xakameyno - ciidamadooda (Itoobiya) ayaa halkan jooga, uma aan sheegin inay baxaan; safaaradoodii ayaa halkaan ku taalla, safiirkoodii ma aanaan eryin; diyaaradahoodu halkaney yimaadaan, ma aanu joojin... waxaas oo dhan ayaan samaynaynaa sababtoo ah waxaan rabnaa deris wanaag… diyaar uma nihin inaan soo noolayno taariikh hore oo xanuun badan, iyo nabar duug ah….waxaan rajeyneynaa in Itoobiya ay ka noqoto heshiiskan sharci darada ah. Ma aqbali doono xadgudubyo ka dhan ah madax-banaanidayada iyo wadajirka dhulkeena, maaha wax gorgortan ah," ayuu yiri Xamse.

Labo jeer kala duwan oo uu horey Xamse uga hadlay heshiis-beenaadka Itoobiya iyo Somaliland si lamid ah xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu adeegsadey erayadda ugu adag kuwaas oo saameyn badan abuuray.

"Oromada (Qowmiyadda Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya) waxaan leenahay idinka waad waalateen, waxaad u baahan tihiin in aad dib-u-fekertaan. Ninka hadda hogaaminaya (Abiy Axmed) ee leh Zaylac iyo Lughaye ayaan qaadanaya iyo inta dabayaaceysa waa ayaga (Oromo). Marka waxaan leenahay Oromada war Soomaalida haddii aad taqaanaan haka careysanin. Dhul laguma qaadan karo baqbaq iyo hees. Dhiig iyo xinjir baa kasoo horeeya," ayuu Xamse yiri Janaayo, 14, 2024.

Isbedelka ku yimid hadalada kulul ee Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay xoogeysteen wararka ku saabsan in ay socdaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda labada dal.

Dowladaha Kenya iyo Turkiga oo galaan-gal xooggan ku dhex leh Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay hormuud ka yihiin dadaaladan diblumaasiyadeed kuwaas oo illaa haatan ka soconaya daaha gadaashiisa.

Hase ahaatee, xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho ayaa illaa haatan waxa aysan si rasmi ah u xaqiijin isku-dayadda miiska wadaxaajoodka la isugu keenayo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inkasta oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu horey shuruud uga dhigay wadahadal la galo in Itoobiya ka laabato heshiis-beenaadkaas, haddana waxaa haatan muuqaneysa in cadaadiska uu badali doono mowqifkaas.

Sikastaba ha ahaatee, waji-gabax, fadeexad iyo dharbaaxo siyaasadeed ayay Villa Soomaaliya ku noqon doontaa haddii ay miiska wadaxaajoodka la fariisato Itoobiya iyadda oo aysan Addis Ababa ka laaban heshiis-beenaadkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM