Xamse oo soo bandhigay lix khatar uu soo afjarayo heshiiska Turkiga

Image
Heshiiskan waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaca aheyd ansixiyay heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee Turkiga.

Sida uu dhigayo heshiiska, Turkigu wuxuu dhisi doonaa, tababari doonaa, qalabayn doonaa ciidamada badda Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sidoo kale kor u qaadaya khayraadka badda iyo dhaqaalaha buluuga ah.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisku meesha ka saarayo "cabsi kasta oo laga qabo argagixisanimada, budhcad-badeedda, kalluumaysiga sharci darrada ah, sunta lagu daadiyo iyo xadgudub kasta ama khatar kasta oo dibadda ah" oo ku wajahan badda Soomaaliya.

Xamse oo kasoo muuqdey shirka Golaha Wasiiradda ayaa ku tilmaamay Turkiga "walaal run ah oo la isku halayn karo."

"Marka ay khatar soo wajahdo, Soomaaliya kaligeed ma aha oo ma aha walaal la'aan," ayuu yiri Xamse.

Heshiiskan ayaa Turkiga lagu kala saxiixday 8-dii February.

Waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii bishii hore ay heshiis is afgarad ah kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Is-fahamkaas ayaa Soomaaliya ku tilmaamtay xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo madax-banaanideeda dhuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM