Xasan Sheekh: Dagaal beeledyaddu way jireen, wayna jiri doonan

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoos-u-dhigay in isku-dhacyada qabiilada ay wiiqeyso ciribtirka Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa yeelan doonta dastuur cusub kahor sanadka 2026-ka, sidda uu shaaca ka dhigay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey Financial Times.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daraya in uu doonayo in hannaanka doorashada uu u beddelo nidaam hal qof iyo hal cod ah oo ay ku jiraan xisbiyo siyaasadeed lagana guuri doono hanaanka dadban.

"Mid ka mid ah arrimaha la isku hayo waa dimuqraadiyeynta iyo hannaanka dowlad-dhisidda, asal ahaan, sida ay u ekaan karto siyaasadda Soomaaliya," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu ku daray: "Hadda waxaa la adeegsadaan qabiil. Meelna laguma qorin, waa is-afgarad dhexmaray beelaha dhexdooda. Xisbiyo siyaasadeed ma lihin, waxa kaliya ee aanu haysanaa waa qabiilo".

Wadahadalada maamulka Somaliland

Dhanka kale, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

"[Laakiin] marka ugu dambeysa ma jireyso kala go'itaan, [maamulka Somaliland] waxa uu qeyb ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya," ayuu sii raaciyay.

Si loo dardargeliyo wadaxaajoodyadda, Xasan Sheekh ayaa ergay gaar ah u magacaabay wadahaladda kaasoo ah Cabdikariim Xuseen Guuleed oo horey u soo noqdey madaxweynaha Galmudug.

Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabida Cabdikariim Guuleed. Balse Puntland waxay ku tilmaamtey "talaabo qandada looga dejinayo maamulka Hargeysa kadib fashilka uu kala kulmay colaadda Laascaanood".

"Walaaca" hubeynta dadka degaanka

Tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May, 2022, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa guluf ballaaran ku qaadey Al-Shabaab isaga oo ka faa'iideystay dadka degaanka iyo ciidamada milatariga oo isku-dhinac ah.

Dadka qaar ayaa walaac culus waxay ka muujiyeen in "goobaha la xoreeyey" ay ka dhalan karaan khilaafyada qabaa’ilka, iyo xitaa kuwa dawladda. Balse, madaxweynaha ayaa biyo-qabow ku shubay walwalkaas.

"Isku-dhacyada qabiilada waligood way jireen, wayna sii jiri doonan. Balse, ma ahan colaad heer qaran ah, waxay ku kooban yihiin degaanadda miyiga ah," ayuu carabka ku adkeeyay Xasan Sheekh.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyey in wajiga koowaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab uu gabogabo yahay isla markaana bisha Ramadaan kadib bilaaban doono wajiga labaad ee gulufka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM