Xasan Sheekh Maxamuud oo loo aqoonsadey “madaxwayne hore”

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin go’aanada diidmada ah ee ka imaanaya mucaaradka.

MUQDISHO, Soomaaliya — Puntland ayaa ku dhawaaqdey in ay madaxwayne hore u aqoonsantahay Xasan Sheekh Maxamuud, sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Wasiiradda.

Qoraalkan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa go’aankan loogu cuksadey in Xasan Sheekh uu jebiyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee lagu doortey.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeehay in Puntland ay kalsoonida kala laabatay Dowladda Federaalka kadib markii ay ku tumatay Dastuurka waddanka.

“Iyadoo la raacayo qodobadda aasaasiga ah ee Dastuurka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Cutubkiisa 1-aad qodobkiisa farqada 1-aad iyo farqada 2-aad ee mabaadiida aasaasiga ah, oo u qoran sidaan "Waxaa reeban in qof ama qeyb ka mid ah bulshada sheegto gobanimada Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ama u adeegsadaan dastuurka si gaara" sidaa daraadeed Xasan Sheekh Maxamuud waxuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey. Hadaba, Xasan Sheikh Maxamuud waxuu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo,” ayuu u qornaa bayaanka.

Talaabada Puntland ayaa ka dambeysay markii baarlamaanka federaalka uu meelmariyay wax ka badal lagu sameeyay Dastuurka gaar ahaan afarta cutub ugu horeysa heshiiskan bulsho.

Hase ahaatee, waxaa aad uga soo horjeeda mucaaradka oo ay kamid yihiin madaxwayneyaashii iyo ra’iisul wasaareyaashii hore dalka kuwaas oo ka digay in wax ka badalkan uu horseedo xasilooni darro.

Maalin kahor ansixinta wax ka badalkan, madaxwayneyaal hore Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ka dhagafureystay baaqyadooda ku aadan sixitaanka qaladaadka jira.

Saacado kadib meelmarinta, Ra’iisul Wasaareyaal hore Xasan Khayre iyo Cumar Cabdirashiid si lamid ah Xildhibaan Golaha Shacabka Cabdiraxmaan ayaa si kulul u qaadacay talaabadan.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin go’aanada diidmada ah ee ka imaanaya mucaaradka. Dhanka kale, madaxda maamuladda ayaa dhankooda wali ka hadlin meelmarintan.

Sikastaba ha ahatee, meelmarinta wax ka badalka Dastuurka ayaa la saadaalinayaa in ay dhabaha u xaari doonto mowjado siyaasadeed xooggan taas oo laga cabsi qabo in ay isku badasho gacan ka hadal haddi aan xal degdeg ah la helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM