Xog: Villa Somalia oo Si Qarsoodi ah Ugu Dhexmilantay Golaha la Baxay Samata-bixinta

Image

GAROWE ONLINE | Waxaa laga yaabaa in dad badani u arkaan Golaha Samata-bixinta inay tahay madal u taagan isbeddel siyaasadeed iyo badbaado qaran. Laakiin xogaha cusub ee uu helay Garowe Online waxay muujinayaan in golahaan uu qarka u saaran yahay in laga leexiyo himiladii loo aas-aasay. Waxa hadda muuqata waa in Villa Somalia si xeel dheer uga dhex shaqeyneyso – iyadoo gacan saar la sameyneysa xubno hore ugu caan baxay iney ka shaqeeyaan danahooda gaarka ah.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in xubno ka tirsan Golaha Samata-bixinta ay la kulmeen Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankaasi oo xeel-dheerayaal ugu magac-dareen “ka ganacsiga qaranimada” ayaa lagu lafo-guray qorshe Villa Somalia ay ku dooneyso in lagu furo waddada muddo kordhin laba sano ah oo loo sameeyo dowladda xiligan jirta.

Xubnahan, oo qaarkood horey u soo qabteen xilal sare, ayaa la sheegay in ay oggolaadeen in muddo kordhintaas loogu beddelo xilal cusub oo ay ka helaan dowladda dhexe. Waa isdhaafsi siyaasadeed oo si toos ah ugu dhisan dano gaar ah — kaas oo ah mid ka fog danaha shacabka iyo hannaanka dastuurka ku dhisan ee Soomaaliya.

“Kulankii dhacay 20-ka Luulyo wuxuu si cad u muujiyey kala qaybsanaanta xubnaha Golaha Samata-bixinta,” ayuu yiri sarkaal xog-ogaal u ah kulanka, balse codsaday in magaciisa la qariyo. “Ajandihii hore ee golahaan ku  heshiiyay waxaa lagu beddelay qorshe cusub oo ay wateen Villa Somalia iyo xubnahaas la socday, kaas oo si gaar ah diiradda u saarey cutubka Afraad ee Dastuurka — kaas oo ah mid uu horey kaligiis u beddelay Madaxweyne Xasan Sheekh.”

Intii uu socday kulanka, sida xogtu sheegeyso waxaa aad ula yaabey xubno ka tirsan golahaan sababta meesha keentey in laga hadlo Cutubka Afraad ee Dastuurka KMG ah, oo Villa Somalia si gooni ah horey ugu meel marisay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday intii kulanka lagu jirey in la siiyo waqti uu wadatashi kula yeesho dhinacyadii isbeddelka kula sameeyey cutubkaan, isagoo sheegey in golahaan “dib war uga soo celin doono.” Hase yeeshee, ajandaha doorashada oo ahaa qodobka ugu xasaasisanaa kulanka— maadaama uu xilligiisu gabaabsi yahay — laguma soo hadal qaadin kulankaas.

Dhinaca kale, xogta ugu xasaasisan ee heshiiskaan ayaa tilmaameysa in xubnaha sida hoose ula shaqeynaya Villa Somalia ay ballanqaadeen iney ka dhaadhicin doonaan qorshahaan Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif — oo ah guddoomiyaha Golaha Samata-bixinta. Sheekh Shariif, sida ay sheegayaan ilo badan, waa shakhsiga keliya ee Madaxweyne Xasan uu ka qabo cabsi siyaasadeed oo dhab ah, maadaama uu si cad uga hor iman karo qorshaha doorashada ee lagu muransan yahay marka la joogo Muqdisho gudaheeda.

Warar kale oo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijinayaan in kulan gaar ah uu habeenkii 23-ka Luulyo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Samata-bixinta — uu ka dalbadey waqti dheraad ah golaha madaama ay ku adkaatey wadatshigii uu la qaadan lahaa kooxaha kula jira qorshaha wax-ka hadalka Dastuurka.

Garowe Online waxay haysaa magacyada xubnaha heshiiska la galay Madaxweyne Xasan, balse dib bay u dhigeysaa shaacinta, iyada oo ay jirto dareen ah in arrintani si weyn u wiiqeyso kalsoonidii ay shacabka ku qabeen golahaan.

Madaama xoggo qarsoonaa hadda muuqdaan. Villa Somalia ma ahan oo keliya xarun siyaasadeed oo adeegsaneysa cadaadisyo siyaasadeed; waxa ay hadda si toos ah ula shaqeyneysaa xubno ka tirsan golahaan lagu sheegay “samata-bixin” — si loo suurtageliyo qorsheyaal si weyn loogu muransan yahay, sida muddo kordhin iyo doorasho aan loo dhameyn.

Siyaasiyiinta ku jira golahan — kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda degaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya — waa iney mowqif cad ka qaataan in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda. Khubaro ayaa ka digaya in dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka ay halis gelin karto midnimada qaranka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Villa Soomaaliya iyo Qorshihii Kala-Goynta Puntland: Dhabar-Jabkii Ka Yimid Sanaag iyo Haylaan

Tan iyo markii laga saaray ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood, shacabka…

  • Faalada Warka

    08-07-2025

  • 09:38PM

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM